Bulshadda Digil iyo Midhifle ee degan Hargeysa oo taakulanta abaaraha ugu deeqay lacag

0
463

Hargeysa- (Dawan):- Deeq lacageed  bulshada u dhalatay koonfur-Galbeed Soomaaliya ee degan caasimada Hargeysa ugu tallogaleen inay kaga qeybqaataan taakulaynta abaaraha ayey shalay ku wareejiyeen Guddiga heer Qaran ee Taakulaynta Abaaraha.

Deeq gaadhaysa Afar Kun  Dollar, oo Cabdillahi Macalin Cali-nuur, gudoomiyaha bulshada Koonfur-Galbeed Soomaaliya ee degan Hargeysa ku wareejiyey Sheekh Xasan Cabdisalaan, Gudoomiye-xigeenka  Guddiga heer Qaran ee Taakulaynta Abaaraha ayaa yidhi,

“Bulshada aanu wakiilka ka nahay waxay noo soo dhiibeen, isla markaana yidhaahdeen naga gaadhsiiya walaalaheen, kuna wareejinayna guddiga, wax badan maaha waa lacag gaadhaysa 4 Kun.

Sheekh Yuusuf, oo ka mid ah waxgaradka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, ee degan Hargeysa oo kulankii deeqda ka hadlay ayaa yidhi,

“Dareenkeena inaan muujino ayaan idiinku nimi, oo murugada idinla qeybsano, laakiin aanan noqon dad geedkii aad dhisateen hadhkiisa ku raaxaysa oon dan ka lahayn dhibaatadiina.

Sheekh Yuusuf ayaa ugu baaqay dadka beeralayda ee degan Koonfur-galbeed magaalooyinka Bay iyo bakool inay soo bixiyaan raashinka keydka u aasan, waxaanu yidhi,

“dadka magaalooyinka Bay iyo Bakool waxaan leeyahay Ilaahay ka baqoo, keydka raashinka idiin aasan soo saara

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Khaliil oo ka hadlay kulanka deeqda kula wareegayeen ka hadlaya ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo deeqdan lacageed ee beelaha Digil Iyo Midhifle ayaa yidhi,

“Waan soo dhoweynaynaa deeqda walaalaheena ka soo jeeda beesha Digil iyo Midhifle ee degan Hargeysa, oo runtii aanu aad uga mahadnaqayno dareenka ay qaateen.

Deeqdan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee beelaha ka soo jeeda Soomaaliya ee degan Somaliland kaga qeybqaataan taakulaynta abaaraha ka jira qeybo ka tirsan dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here