By. Axmed M. Saleebaan
Burco (Dawan)- Badhasaab ku xigeenka Gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd, ahna guddoomiyaha guddida gurmadka abaaraha ayaa shalay ka qeyb galay munaasibad loo qabtay qaadhaan lacageed oo ay dhalinyarrada gobolkaasi ugu deeqeen taakulaynta dadka ay abuuruhu saameeyeen.Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Togdheer oo ka war-bixiyay ka bixiyay qaadhaankan lacageed ee ay dhalinyarrada gobolku ugu deeqeen wallaalahooda tabaalaysan ee ay abaaruhu ku habsadeen iyo kaalinta gobolka Togdheer kaga jiro gurmadka abaaraha ee dalka.
“Gobolkeena Togdheer wax aan adduunka hore loogu arag ayuu ka qabtay abaaraha galbeedka dalka oo dhan, waxaanu halkan ka rarnay afar iyo sodon lawdh oo caws ah, waxaanay noqotay lacagta ku baxday toddoba iyo soddon kun oo dollar. Culimo-awdiinkeenna barakaysan ee jooga gobolka Togdheer, maasaajidada ayay lacag ka ururiyeen, waxay ururiyeen lacag dhan shan iyo toban kun oo dollar, saddex gobol ayay u qeybiyeen oo ay u siiyeen boqol iyo labaatan booyadood oo biyo ah, waxaa ii yimi hablaha gaashaan ee degmada, waxaanay ii keeneen kun iyo laba boqol oo dollar oo ay ku caawinayeen walaalahooda haraadan ee ay abaaruhu saameeyeen, dhalinyarradan is xil-qaantayna waxaan codsanayaa in lala shaqeeeyo,”ayuu yidhi Badhasaab Ku—xigeenka Togdheer.
Guddida qaban qaabada munaasibadan loogu gurmanayo dadka ay abaaruhu hayaan oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay dhalinyarrada gobolka Togdheer iyo kuwa magaalada Burco in ay u tartamaan khayrka iyo samo-falka, waxaana hadaladooda ka mid ahaa “Caawa maaha habeen magac raadis, maaha habeen caadifadeed, mana aha habeen xamaasadeed, waa habeen aynu isugu nimi dareen qiiro iyo dadnimo aynu isugu nimi, waxaynu u tartamaynaa khayrka, waxaanan idinku guubaabinayaa in aad isku duubnaataan oo aad u tartantaan khayrka iyo horumarka.”




















