Quruxdii Ayaa Galaafatay

0
447

Badhtamaha caasimadda Philipin ee Manila ayaa xarun aan sharci ahayn oo la isku qurxiyo , isla markaan aan ka haysan liisan caafimaad dawladda ayay ku dhimatay gabadh u dhalatay dalka Ingriiska.  Gabadhan oo wejiga lagaga samaynayay qalliin is qurxin ah, taas oo dhimatay markii la suuxiyay, taasi oo ay ku gashay shoog.
Gabadhan oo da’adeedu ahayd 24 sano ayaa joojisay neefsashada ka dib markii uu suuxiyay ninkii qaliinkii ku samaynayay, kaasi oo aan u haysan rukhsad inuu sameeyo camaliyad noocan ah.  Ciidanka booliiska ayaa cadeeyay in gabadhan bishii hore goob kale loogu sameeyay qaliin is qurxin ah laakiin aanay ku qancin ayna rabtay in xaruntani u dhamaystirto sida ay doonaysay.
Booliiska ayaan sheegin magaca gabadha dhimatay waxayse sheegeen inay xidheen dhakhtarkii iyo dadkii la shaqayanayay, isla markaana ay  albaabada u laabeen xaruntan oo aan haysan rukhsad ay shaqadan ku qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here