Daraasad lagu baahiyay Wargeyska Times ayaa cadeeyay in qofka akhlaaqda wanaagsan ee aad u ilaaliya xuquuqda bulshada uu ka cimri dheeraado dadka dhibta badan ee xadgudbku ku badan yahay. Daraasada ayaa sheegtay in dadka aad u ilaaliya walaaltinimda, samafalka bulshada iyo ixtiraamku ay yihiin kuwo ay ku yartahay anaaniyda iyo keli wax isla doonku, taasi oo sababta in shaqada maskaxdu had iyo jeer ay si degen u hawl gasho, Cimirigeeduna ku dheeraado. Halka kuwa cadhada badan, xasadka iyo dhibtu ku badan tahay ay maskaxdu mashquul ku noqoto hawlaha aan waxba u tarayn taasina ay keento in cimirigeedu uu noqdo mid soo gaabta. Waxa kale oo daraasadu sheegtay in jimcsiga, iyo ilaalinta caafimaadka iyo nadaafada ay iyaguna qayb ka yihiin cimiriga dheeraada.
























