Daraasad Ku Talisay In Carruurta Lasiiyo Kalluunka

0
524

Proffesser la yidhaahdo Hildegard Bertsrempel oo u dhalatay dalka Germany ayaa waxay ku talisay in carruurtu marka ay yar yihiin la siiyo kalluunka.

Caalimkan ayaa waxay ay ku talisay in todobaadkii laba goor waalidku ay siiyaan 25 ilaa 35 garaam oo kalluun ah iyada oo ay sheegtay in kallunku qani ku yahayย  maadada โ€™โ€™iodineโ€™โ€™ iyo acid ka dufanka le ee loo yaqaano โ€™โ€™Omega 3โ€™โ€™ oo faaโ€™iido weyn u leh koboca caafimaadkaย  maskaxda iyo indhaha.

Hildegard ayaa ah xubin ka mid ahย  shabakada lagu magacaabo โ€œCaafimaadku waa dariiqa noloshaadaโ€ oo Jarmal ah ahna โ€œPediatricianโ€ oo ah dhakhtarka carruurta ayaa waxa ay kutalisay in waalidku bilowgaย  hore ay siiyaan caruurtooda yar yar kalluunka aanan lahayn dufanka iyada oo aanan la shiilayn kalluunka.

Waxay sidoo kaleย  dhakhtaradani Germany u dhalatay ay waalidka ku boorisay inay siiyaan caruurtood kalluunka dufanka le sida solomon ka xiliyo isdaba joog ah.

Dhinac kale waxay dhakhtaradani carabka ku adkaysay in ay muhiim tahay in waalidku kalluunka ay caruurtooda siinayaan gabi ahaanba uu yahay mid aanan lafo lahayn,iyada oo ku sheegtay taladan in ay tahay si uunan ilumuhu u liqin lafahaย  kalluunka taasoo khatar galin karta bay tidhi nolosha caruurta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here