Turkiga oo Aqoonsaday Ninkii Fuliyay Weerarkii Istanbul

0
296

Maamulka dalka Turkiga ayaa sheegaya inay aaminsan yihiin in ay garteen ninkii weeraray kalaabka Istanbul.

Haseyeeshee dowladda Kirjistaan oo farta lagu goday inuu u dhashay ayaa meesha ka saartey inuu ninkii falkaasi geystay iyaga ka soo jeedo, waxayna sheegtay in ninka la tuhmayaa aanu falkaasi ku lug lahayn.

Ninkaasi ayaa dilay 39 qof oo u dabaaldegayay sanadka cusub.

Maamulka ayaa u maleynaaya inuu ka yimi mid ka mid ah dalalka bartamaha Aasiya, oo ay wehliyeen xaaskiisa iyo laba carruur ah.

 

Wuxuuna Turkiga galay bishii November ee sanadkii dhammaaday.

Qoyskiisa ayaa la sheegayaa in marar badan la xidhay.

Booliska dalka Turkiga ayaa wada howlgal joogto ah tan iyo Isniintii, balse illaa iyo hadda ninkaas ayaa baxsad ah.

Waxay laamaha amniga ee dalkaasi baahiyeen muuqaal uu iska duubay ninka looga shakiyay inuu weerarkaasi qaaday.

Booliska dalka Turkiga ayaa howlgalo sameeyay waxayna xidheen 12 qof, iyadoo weli uu socdo ugaadhsiga ninkii qaaday weerarkii Istanbul ee 39-ka qof ay ku dhinteen.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga, Numan Kurtulmus wuxuu sheegay in maamulka ay heleen faraha iyo akhbaarta aasaasiga ah ee ku saabsan ninkaasi, wuxuuna wacad ku maray inay si degdeg ah ku soo qaban doonaan.

Qiyaastii illaa 600 oo qof ayaa ku sugnaa kalaabka lagu caweeyo ee Reina markii ninkan uu weeraraayay Axadii.

Ururka la baxay Khilaafada Islaamka ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaasi.

Mr Kurtulmus wuxuu weriyayaasha u sheegay: “Xogta ku saabsan ninkan iyo muuqaalkiisa ayaan helnay”..

Mr Kurtulmus wuxuu xaqiijiyay in sideed qof la xidhay. ka dib waxaa la arkay ciidamo gaar ah oo diyaarad ay wehliso oo howlgal ka fulinaya guri ku yaalla degmada Zeytinburnu.

Qofka weerarka fuliyay lama qaban, laakiin afar qof oo kale ayaa meelo kala duwan laga soo xidhay.

Warbaahinta dalka Turkiga ayaa sidoo kale baahiyay muuqaallo ay ku sheegeen ninka laga shakisan yahay, balse ma cadda xilliga la qaaday iyo goobta uu ku sugnaa.

Xilli sii horeysay, warbaahinta dalkaasi ayaa soo xiganaya boolis sheegaya in ninka uu ka soo jeedo Uzbekistan ama Kyrgyzstan.

Booliska waxay sidoo kale baadhayaa in weerarkan uu xidhiidh la leeyahay mid ay Daacish ku qaaday garoonka diyaaradaha ee Ataturk, bishii June ee sanadkii dhammaaday.

Mr Kurtulmus wuxuu sheegay in weerarka uu “farriin” u ahaa howlgalka Turkiga ee Suuriya, balse uusan saameyn doonin.

Turkiga ayaa howlgal militari ka wado dalka Suuriya, kaas oo bilowday bishii August. Ujeedada waxay tahay in ururka la baxay Khilaafada Islaamka laga riixo nawaaxiga xuduudda Turkiga.

Ninka ayaa la sheegay inuu rasaasta u ridayay si aan kala sooc lahayn. Waxayna socotay illaa todobo daqiiqo, wuxuu toogashada ku billaabay askartii amniga ee ku sugnaa meesha.

Waxaa lagu warramayaa in markaasi ka dib uu dharka iska badalay, meeshana uu ka baxsaday intuu qalalaasaha taagnaa.

Dadka ugu badan ee meesha lagu dilay waxay ahaayeen ajaaniib, ka soo kala jeeday Israa’iil, Ruushka, Faransiiska, Tunisiya, Lubanan, Hindiya, Belgium, Urdun iyo Sucuudiga.

Tirada dal kastaa uga dhimatay meesha

  • Turki: 11
  • Sucuudiga: 7
  • Ciraaq: 3
  • Lubnaan: 3
  • Urdun, Hindiya, Maroko: min laba muwaadin ayaa uga dhimatay
  • Jarmalka, Suuriya, Israa’iil, Faransiiska, Tunisiya, Belgium, Kuwayt, Canada, Ruushka: Min hal muwaadin ayaa looga dilaybody of one of those who died has yet to be identified.

Ugu yaraan 69 qof oo ku dhaawacantay weerarka ayaa cisbitaallada lagu daaweeyay.

Waxaa la arkayay rasaas ku dheceysa gawaadhida, xilligii uu ninka weerarka fulinaayay.

Kalaabka waa mid ka mid ah goobaha ugu caansan ee magaalada Istanbul, halkaas oo ay tagaan ajaaniibta booqata dalka Turkiga.

Magaalada Istanbul waxaa hadda ka jiro feejignaan dheeraad ah. Illaa 17 kun oo ciidamo dheeraad ah ayaa ka howlgalaya magaalada.

 

Leave a Reply