Sacuudiga oo Xukumay Shaqaale Ajnabi ah oo ka Cawday Mushahar La’aan

0
300

Wararka ka imaanaya Sacuudiga ayaa sheegaya in shaqaale ajnabi lagu xukumay xabsi, iyo in la karbaasho markii ay ka cawdeen inaan mushahar la siin.

Wargaysyada Sacuudiga ayaa sheegay in ku dhawaad konton shaqaale ay ku xukuntay afartan iyo shan ilaa afar bilood oo xabsi ah maxkamad ku taal Mekka.

Shaqaalaha qaar ayaa lagu xukumay saddex boqol oo karbaash.

Dacwadan ayaa la xidhiidha shirkadda dhismaha ee Saudi Binladin, oo shaqaale badan shaqada ka joojiyay isagoon lacag siin bilo badan kadib markii dhaqaalaha Sacuudiga ay saamaysay hoos u dhacii sicirka shidaalka.

Dhowr bas oo ay leedahay shirkadda ayaa waxaa gubay shaqaale xanaaqsan.

 

Leave a Reply