Tahriibayaal lagu soo Qariyay Shandado oo la Qabtay

0
338

Booliska dalka Isbeyn  ayaa xidhay laba qof oo u dhashay dalka Moroko, kuwaas oo lagu eedeeyay inay isku deyeen in ay dad si sharcidaro ah ku geliyaan dalkaasi.

Waxaa lagu qabtay iyagoo wada seddax qof oo labo ay ku qariyeen kuraasta gawaadhida hoostooda iyo mid lagu dhex xidhay shandad.

Dadkaasi ayaa laga gudbinaayay dhanka Waqooyiga Afrika.

Booliska oo Isniintii isku deyay inay baadhaan gaadhi, ayaa waxay ka heleen qof lagu qariyay muraayadda hoosteeda, qof kaloo la geliyay kursiga dambe hoostiisa oo god laga dhigay.

Laba qof oo dumar iyo rag kala ahaa oo loo maleynaayo inay dalka Gini  ka soo jeedaan ayaa gargaar degdeg ah loo sameeyay, maadaama uu neefsiga ku yaraa.

Dhacdo taa ka duwan, wiil yar oo Afrikaan ah ayaa laga dhex helay boorso qof dumar ah ay lahayd. Dhacdo tan la mid ah ayaa la arkay 30-kii desember.

Waxaa loo maleynayaa in wiilkan uu ka soo jeedo dalka Gabon, waxaana loo sameeyay daaweyn degdeg ah.

Gabadh lagu sheegay inay 22-sano jir tahay oo u dhalatay Moroko, ayaa isku deyday inay si qarsoodi ah ku geliso Ceuta, laakiin laanta socdaalka ayaa ku amray inay furto boorsada oo ku xidhneyd gaadhi-gacan.

Xuduudda Isbeyn iyo Moroko ayaa waxaa ka taagan qalalaase ka dib markii muhaajiriin Afrikaan ah ay isku deyeen inay xoog uga gudbaan.

Illaa 50 askeri Moroko ah iyo shan Ispanish ah ayaa dhaawacmay ka dib markii 1,100 tahriibayaal ay isku deyeen inay xeyndaabka dumiyaan Axaddii.

Midkoodna umeysan suuragalin inuu ka gudbo halkaas, balse labo qof oo ka mid ah ayaa dhaawacantay waxaana loo qaaday cisbitaal ku yaalla Ceuta.

Intay rabshada socotay, mid ka mid ah ilaalada ayaa ishiisa ku waayay, sida saraakiisha dalkaasi ay sheegayaan.

Dhacdo taas la mid ah  oo 9-kii desember ka dhacday xuduuda waxaa ku lug lahaa ilaa 400 oo tahriibayaal Afrikaan ah.

Dalka Moroko waxaa ku sugan dad badan oo ka tahriibay dalalka saxaaraha ka hooseeya ee Afrika, kuwaas oo doonaya inay u gudbaan Yurub.

Tahriibayaasha isku deya inay halkaasi ka gudbaan ayaa la qabtaa, waxaana dib loogu celiyaa Moroko, ka dibna waxaa lagu sii celiyaa dalalka ay markii hore ka tahriibeen.

 

 

Leave a Reply