Boqorada Sweden oo Sheegtay in Guriga Boqortooyada lagu Weheliyo

0
311

Boqorada Sweden Silvia ayaa aaminsan in guriga boqortooyada ay joogaan reer aakhiraad, sida uu sheegay dekumantari laga sameeyay oo telefishinka laga sii daynayo khamiista maanta.

Waxay sheegtay inay la degan tahay guriga boqortooyada ee Drottningholm “saxiibo reer aakhiraad ah.”

“Waa wax fiican. Laakiin cabsi ma jirto” ayay sheegtay.

Guriga oo u dhow Stockholm oo la dhisay qarnigii 17-aad, ayaa waxaa degan boqorada iyo ninkeeda boqorka Carl XVI Gustaf.

Dokumentariga, Drottningholm, guriga boqortooyada waxaa sameeyay telefishinka Sweden ee SVT.

“Mararka qaarkood waxaad dareemaysaa inaadan kaligaa ahayn” ayay boqorada u sheegtay filin qaadayaasha, iyadoo ku adkaysanaysa in reer aakhiraadka la nool ay yihiin “saaxiibo fiican”.

1976

Boqorada Silvia, 73, ayaa guursatay Boqorka Carl 40 sano ka hor, waana boqoradii ugu waqtiga dheereed ee Sweden.

Waxaa dhalay aabe ganacsade Jarmal ah iyo hooyo reer Brazil ah.

 

 

Leave a Reply