Ninkii Waraystay Saddam Xuseen Markii la Qabtay oo Warramay

0
333

Markii gacanta lagu dhigay madaxweynihii hore ee Ciraaq Saddaam Xuseen 2003, waaxda sirdoonka Maraykan ee CIA waxay u baahatay khabiir haybtiisa xaqiijin kara oo su’aalo weydiin kara si xog looga helo. Qofkaas wuxuu ahaa John Nixon.

Nixon wuxuu darsayey Saddaam tan iyo markii uu CIA ku biiray 1998. Kaalintiisa ayaa ahayd inuu xog waafi ah ka uruuriyo hogaamiyeyaasha dunida, oo uu taxliiliyo waxa madaxdaas adkaynaya, wuxuuna uga warramay barnaamijka BBC ee BBC’s Victoria Derbyshire programme.

Wuxuu joogay Ciraaq markii hogaamiyaha xukunka laga tuuray laga helay god ku ag yaallay beer ku tiillay magaaladii uu ka soo jeeday ee Tikrit.

Markii ay akhbaartaas timid, Maraykanku wuxuu u baahday inuu isagu xaqiijiyo haybtiisa.

 

Waxaa jiray warar la isla dhex marayey xilligaas oo ah in Saddaam uu isbeddel xagga jirka ah ku dhacay, laakin Nixon oo CIA ka tegey 2011 wuxuu yidhi ” shaki igama gelin  inuu isaga yahay markii aan arkay”.

“Markii aan hadalka ku billaabay wuxuu ii eegay sidii aan muuqaalkiisa ku arkay buug kiisa ah oo miiska xafiiska muddo sanooyin ah ii saarnaa” ayuu yidhi.

Nixon wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyey ee waraysi dheer oo maalmo qaatay la yeesha Saddaam. Wuxuu qoray buug la magac baxay Debriefing the President: The Interrogation of Saddam Hussein.

dib

Wuxuu sheegay in dhinaca insaannimada ee uu ka arkay Saddaam uu aad uga soo horjeeday masawirkii ay warbaahinta Maraykanku ka bixiyeen.

“Wuxuu ka mid ahaa dadka shaqsiyadoodu soo jiidashada leedahay ee aan la kulmay” ayuu yidhi, wuxuuse intaa ku daray inuu mararka qaar isku beddelayey qabiix kibir badan oo dabeecad xun.

“su’aal kasta oo aan weydiiyo, mid kale ayuu iigu beddelayey” ayuu yidhi. Arrinta ugu muhiimsan oo uu wax ka weydiinayey ayaa ahayd hubka aadka wax u gumaada, taasoo ahayd sababta ugu weyn ee Maraykanka iyo UK ay dagaalka ula galeen.

Nixon wuxuu sheegay inuu ka qajilo wixii Ciraaq ka dhacay tan iyo wixii ka dambeeyey markii xukunka laga tuuray Saddaam Xuseen.

Wuxuu sheegay in maamulkii Bush uusan wax fiiro ah siinin waxa imaan kara marka Saddaam meesha laga saaro. Dhanka soo shaac bixidda kooxaha xagjirka ah, sida kooxda loogu yeedho dawladda islaamiga, ayuu sheegay inuu rumaysan yahay in Ciraaq ay wanaagsanaan lahayd haddii uu Saddaam sii joogi lahaa.

Hadalka caynkaas ah waxaa ku gacan saydhay ra’iisul wasaarihii hore ee UK Tony Blair oo dalka hogaaminayey wakhtigii duullaanka la qaadayey.

 

Leave a Reply