Ruushka oo Bilaabay inuu Yareeyo Ciidankiisa Jooga Suuriya

0
293

Dowladda Ruushka ayaa billowday inay yareyso ciidamada milatari ee ka jooga dalka Suuriya.

Madaxa Milatariga Valery Gerasimov ayaa sheegay in “si waafaqsan go’aanka taliyaha sare ee ciidamada Ruushka madaxweyne Vladimir Putin, ay wasaaradda gaashaandhiga Ruushka bilowday yareynta ciidamada jooga Suuriya.”

Gerasimov ayaa sheegay in markabka diyaaradaha dagaal qaada ee Admiral Kuznetsov iyo maraakiibta kale ee wehliya ay noqon doonaan kuwa ugu horreeya ee baxa.

Moskow ayaa xulufo muhiim u ahayd madaxweynaha dalka Suuriya Bashar al-Assad inta uu socdo dagaalka sokeeye ee burburiyey dalka Suuriya.

Ciidamada Ruushka ayaa muhiim u ahaa in kooxaha mucaaradka laga saaro magaalada Aleppo bishii tagtay, taasi oo ahayd guushii ugu weyneyd ee u soo hoyata ciidamada madaxweyne al-Assad.

Moskow oo ku dhawaqday xabad joojin ay dhex dhigtay ciidamada dowladda iyo qaar ka mid ah mucaaradka ayaa sidoo kale muhiim u ah dadaalo wada hadallo nabadeed lagu qabanayo dhammaadka bishan.

 

Leave a Reply