Nooleyaasha ku Dul Nool Gogoshaada

0
299

Habeen kasta marka  aad seexato waxa jira nooleyaal kula seexda furaashkaaga. Noolahan waxa  keliya ee lagu arkaa waa weynayso (microscope),  lagumana  arko aragtida caadiga ah ee indhaha.

Nooleyaashani waxay ku  nool yihiin furaashka iyo barkimooyinka. Qofka bani’aadamka ahi marka uu seexdo waxa dhinta qaybo ka mid ah unugyada jidhkiisa,  kuwaasi oo ku dhaca furaashka uu ku hurdo.

Haddaba  marka uu qofku ka tooso furaashka,   unugyadaasi dhintay waxay ku hadhaan furaashka.  Haddii marka uu subixii ka tooso aanu laabin oo hadda-na mar kale dib ugu seexdo waxaa la cadeeyay inuu qofkaasi qaadi karo xanuun, ka imanaya nooleyaasha soo cunay  unugyada jidhka qofka ee dhintay ee go-gosha daadsan.

Kuwaasi  oo raashinkoodu yahay unugyadaasi jidhka qofka ee dhintay, ee  ku dul  daatay furaashka.

Dhakhaatiirta dalalka galbeedka ayaa isku deyay inay nooleyaashiisa kula dagaalaaman iyagoo maydhis ku samaynaya furaashka una adeegsaday dhamaan waxyaabaha lagu nadiifiyo, taasi oo keentay in aansy dhiman laakiin is qariyeen nooleyaashu.

 

Waxaana la ogaaday mar danbe in nooleyashan ay ku filan tahay oo keliya iyadoo cadceeda loo sii daayo guriga ama hawada cusub ee soo gelaysa ay tahay tan disha.

 

Waxa kale oo iya-na ay cadeeyeen in go-gosha oo la hur-gufo ugu yaraan saddex jeer ay tahay mid iyadu-na nooleyaashi ka sifaysa go-gosha.

 

Islaamku wuxuu dadka ku dhiirgeliyay inay go-goshooda hur-gufaan ka hor inta aanay ku seexan.

 

Leave a Reply