Ruushka oo Beeniyey Eedeymaha Mareykanka

0
362

Ruushka ayaa gaashaanka ku dhuftay eedeymaha uga yimid mukhaabaraadka Mareykanka ee ku saabsanaa inay faragelin ku sameeyeen doorashadi madaxtinimo ee Mareykanka ka dhacday ee uu ku guuleystay Donald Trump.

Hay’adaha sirdoonka Mareykanka ayaa horey u sheegay in madaxda sare ee Ruushka ay amreen in la jabsado kombiyuutarada xisbiga dimoqraadiga, kadibna la faafiyo sirtooda intii uu socday ololaha doorashada Mareykanka.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in Ruushka ay doonayeen in Donald Trump uu ku guuleysto doorashada.

Dmitry Peskov oo ah afhayeenka madaxweyne Vladimir Putin ayaa eedeymaha kaga yimid dhinaca Mareykanka ku tilmaamay “kuwo aan sal iyo raad laheyn oo ay si caadifad leh u diyaarisay hey’ad heer sare ah”.

Hadalkan ayaa ahaa kii ugu horeeyey ee ka soo baxa aqalka looga taliyo Ruushka ee Kremlin-ka, tan iyo marki ay madaxda sirdoonka Mareykanka Jimcihi hore sheegeen in ay si weyn ugu kalsoon yihiin in madaxweynaha Ruushka uu shakhsiyan isaga amray in la farageliyo doorashadi madaxtinimo ee dhamaadkii sanadkii hore ka dhacday dalkan Mareykanka.

 

Leave a Reply