Haweenay Madaw oo Maraykanka lagu Midab takooray

0
503

Macaamiisha makhaayad ku taalla Virginia ayaa isutaagay taageerada inan madaw ah oo makhaayad adeegto ka ah oo waraaq cunsurinimo ah loo qoray badalkii halkii lacag baqshiish ah la siin lahaa.

Kelly Carter oo makhaayadaas adeegto ka ah ayaa sheegtay in lamaane ay u adeegtay ay u qoreen “adeeg wanaagsan ayaad noo samaysay laakiin baqshiish ma siinno dadka madaw”.

Mulkiilaha makhaayadaas Tommy Tellez ayaa BBC u sheegay in jawaabta ay dadka kale ka bixiyeen in ay ahayd qayrucaadi.

Wuxuu sheegay in dadku ay lacag caddaan ah u reebayaan Kelly, lacagtaasina ay ilaa iyo hadda kor u dhaaftay 300 oo doolar.

Macaamiisheeda joogtada ah marka ay yimaadaanna baqshiish siinaya si kal iyo laab ahna u salaamaya.

Baqshiishka ama lacagta qofka adeegga bixiya lagaga farxiyo ayaa caadi ka ah dalka Maraykanka si uu mushahaarka ugu kabo, maadaama dadka makhaayadaha ka shaqeeya ay qaataan mushahaar ka hooseya qiyaasta ugu yar ee dalkaas lagaga shaqeeyo.

Lamaanaha caddaanka ah ee waraaqda u qoray gabadha adeegtada ah ayaa u muuqday in ay ku jireen da’da labaatameeyada waxayna ka  isticmaaleen makhaayada 30.52 oo doolar.

Kelly ayaa warbaahinta u sheegtay in lamaanaha meesha ka casheeyay midkood uu aad u ammaanay quraac ay Sabtidii makhaayadda ka cuneen oo ay iyadu u adeegtay.

Leave a Reply