Bangiyadda Dunida Ugu Waaweyn Oo Shaqalahooda Kala Saaraya London

0
332

Laba ka mid ah bangiyada maalgashiga ee ugu wayn magaalada London ayaa sheegay in shaqaalaha qaar ay tahay in dibadda loo badelo markii ay UK ka baxdo Midowga Yurub.

Madaxa HSBC, Stuart Gulliver, ayaa u sheegay Bloomberg inuu diyaarinayo inuu ka raro 1,000 shaqaale London oo la geeyo Paris.

Axel Weber, madaxa bangiga Swiss-ka ee UBS, ayaa sidoo kale BBC u sheegay in ilaa 1,000 ka mid ah shaqaalihiisa London jooga ay saamayn doonto ka bixitaanka Midowga Yurub.

Hadalkan ayaa cadaynaya in kumanaan shaqooyinka bangiyada in dibadda loo rari karo.

UK ayaa u codaysay inay ka baxddo Midowga Yurub bishii June sanadkii hore

Tan iyo markaas, waxaa jiray cabsi laga qabo in shaqooyinka London loo raro magaalooyinka kale ee Yurub sida Paris, Dublin iyo Frankfurt si adeeg ay u siyaan macaamiisha Midowga Yurub.

 

 

Leave a Reply