Dhallinyaro Soomaali ah oo Fikrad ay Curiyeen ka Helay 66,000 $

0
395

Wiil oo  dhalinyaro Soomaali ah oo ka tirsan koox lagu magacaabo FiveID ayaa waxa ay curiyeen fikrad cusub oo ku saabsan quraarad loo isticmaalo cabitaanka, iyagoo ku guuleystay in ay  internetka ka urursadaan lacag gaadhaysaa 66,000$. Dhalinyaradaan oo dhawaan ka qalin-jabiyay jaamacadda Ohio State University ayaa fikradooda cusub waxaay u bandhigeen bogga maalgashiga ee Kickstarter.com

Dhallinyarada Soomaalida ah oo lagu magacaabo Maxamed  Raage oo bartay naqshada warshadaha iyo farshaxanka iyo Aadan Cali oo bartay naqshada warshadaha iyo sameynta sawirada dhaqdhaqaaqa ayaa waxay ka mid yihiin kooxda soo saartay quraaraddan cusub iyaga oo  sheegeen in aysan suuqa oolin aalad la mid ah.

Maxamed Raage, ayaa ah maskaxda ka dambaysa shirkada iyo agaasimaha shirkada.

quraaradan ay soo saareen ayaa waxay aad u anfacaysaa dadka jecel jdh-dhiska iyo isboortiga iyadoo  aad u fududeynaysa qasitaanka cabitaanka proteinka ee la isticmaalo marka aad tababarka dhamaysato.

Bogga Kickstarter ayaa ah bogg caan ah oo u sahlaya dadka fikradaha cusub la yimaada in ay helaan macaamiil ka iibsata wax-soosaarkooda inta aysan soo bixin. Haddii wax-soosaarkaaga uu yahay mid cusub oo dadku ay la dhacaan ayaa Kickstarter waxaad ka ururin kartaa malaayiin dollar

Leave a Reply