WEEDHA WARGEYSKA Wax Kastaba Markii Loo Sahley Ayay Sare u Kaajeen

0
359

“Safrad iyo shaqaalii wataa, saaqday gaajaduye

Waxa yareey saxeexaana waa, saymo-lagu-reebye;

Sacab iyo af kama soo hadhaan, silicay qaataane

Xasanoow Allaa Saatiree, dhimay saboolkiiye”

Maansadii Saxansaxo ee Marxuum-Gaariye

 

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shalay  soo saartay go’aan ay shacbiweynaha Somaliland ku tilmaameen mid taariikhi ah oo u baahan in laga dhursugo sida dawladu u dhaqan-geliso, maadaama oo ganacsataddu ay juhdi iyo dagaal siyaasiya labadaba kaga hortagaan  qaraarada dawliga ah ee masaalixdooda gaarka ah ka hor imanaya.

Shirkii aan caadiga ahayn ee shalay Golaha Wasiirradu yeesheen oo uu guddoominayay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa ka soo  baxay qorshaha deg-dega ah ee lagu suulinayo sicir-bararka iyo sarif bararka xadhkaha goostay ee saamaynta taban ku yeeshay danyarta Somaliland ee abaaraha kululi hayaan.

Dawladda Somaliland waxay xaddiday isticmaalka lacagaha telefoonka gacanta  lagu shubto ee adeegyada ZAAD iyo E-dahab.  Waxa go’aanka golaha Wasiirrada oo uu madaxweynaha Somaliland-na xalay saxeexay lagu  mamnuucay in $100 wax ka yar  lagu shubo teleefoonada gacanta,  ka dib markii  la isku waafaqay   in adeegaasi  yahay   caqabada koowaad ee sababtay sicir-bararka. iyadoo ay shirkadaha adeegyadan bixiyaa ay dalka ka urursadeen lacagtii adkayd ee wadanka  taallay iyo tii laga soo  xawaali jiray dibadaha oo ay urursadeen.

Waxa dawladda Somaliland  looga baahan yahay inay ku baraarugto halista adeegani u leeyahay qaranimadda dalkan curdinka ah. Waxa Hay’adaha dawladda hor taalla hawl baaxad leh oo la doonayo inay  ficil ugu rogaan himillada iyo qorshaha madaxweynuhu ummadiisa ugu daneynayo. waxa  daruuri ah  in lacagta dalka qiimaheedii la soo celiyo oo ay noqoto lacagta kaliya ee wadanka ka shaqeysa.

Go’aankii xukuumaddu markii uu soo baxay,  waxa durba  uu  sababay hoos u dhac weyn oo ku yimid  sarifkii doolar-ka oo xalay lagu kala qaadanayay  halka doollar 7500  Sl Sh, halka shalayna 1 doollar lagu kala sarifanayay  8700 Sl sh.

Haddaba waxa ayaan darro ah in shirkadda TELESOM, markii go’aanka xukuumaddu soo baxayba ay gaashaanka ku dhufatay qaraarkaas qaranku soo saaray, iyadoo ku sifeysay  tallaabo siyaasiya oo gacsigooda lagu soo qaaday. Waxa habboon in afhayeenkii u hadlayay oo la yidhaahdo Cabdi-wahaab Maax, sharciga la horkeeno, si ay cashar ugu noqoto manaxeyaasha ummaddan la diirka ah ee aan la quluubta iyo fikirka ahayn, kuwaasi oo si  khaldan uga faa’iidaystay waxa la yidhaahdo ganacsiga xorta ah ee dalka ka jira.

Tallaabooyinkan ka fursan waaga ah ee xukuumaddu qaaday waxa laga filayaa in mustaqbalka dhow ay waddada u xaadho sidii adeegan lacagta telefoonka lagu shubanayo gabi ahaanba dalka laga joojin lahaa maadaama oo aan la mahadin isla markaana dalal innaga dhaqaale weyni ay ka baqeen in waddamadooda laga isticmaalo.

Waxa kaloo danyartu ku  naaloon lahayd iyadoo dawladu ku xigsiiso qorshihii kala xadeynta ganacsiga oo soo celin lahaa iska daba ceeshkii tijaarrada lagu yaqaanay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply