Qiso: “Sharcigu Ma Ilaaliyo Nacasyada”

0
330

Sida lagu daaabcay barta www.nasbird.com waxa jirta qiso la xidhiidh khiyaamo dhinaca lacagta ah, waxaana lagu daabacay in nin Maraykan ahi oo aad sabool u ahaa uu maalin si xoog leh uga fikiray siduu uga bixi lahaa fakhrigan isaga iyo qoyskiisan haleelay.

Waxaana uu go’aansaday inuu wargeysyada Maraykanka ku qoro ogaysiiskan ah “ Haddii aad doonayso inaad taajir noqoto , u dir hal doller sanduuqa No:… , ka dibna waxaad noqon doontaa qof maal qabeen ah.

Sida aadamiga lagu yaqaano markiiba beentaasi ayay rumaysteen dad badani, maalaayiin dad ah ayaa markiib u diray halkii doller iyagoo filiyay inay noqon doonaa tijaar.

Muddo yar ka dib ayuu ninkii helay malaayiin doller, waxaana uu sidaasi ku noqoday maalqabeeneeda waaweyn.

Markaasi ka dib ayuu ku qoray wargeyska cinwaan cusub oo ah “ Sidaasi ayaa lagu noqdaa maalqabeen”! Isagoo isagu is tilmaamaya. Markii uu ogaysiiskaasi danbe daabacay ayay dadku ka soo hor hojeesteen isla markaana maxkamada ay ka dacweeyeen iyagoo sheegay inuu ka khiyaameeyay lacagtoodii?.

Laakiin Maxkamadii markii ay dhegaysatay ayuu xaakinku weydiiyay  “ miyay jiraan waraaqo iyo heshiisyo aad kala qorateen” ? Waxayna dhamaantood ku jawaabeen “ Maya”. Xaakinka ayaa markaasi ku qancay xukunka waxaana uu ku soo xidhay Odhaahda caanka noqotay ee ah “ Sharcigu ma ilaaliyo kuwa aan waxba fahmin ee Nacsyada ah”.  Badanaa shirkado iyo dad nidaam khaldan ku shaqaysanaya oo raba inay sidaasi oo kale maalqabeeno ku noqdaan.

Leave a Reply