Sida Loo Bixiyo Haddii Ay Laf-Kalluun Dhuunta Kaa Gasho

0
384

Haddii dhuunta laf kalluun kuu gasho sidee baad ku soo bixin kartaa?

Marmar waxa laga yaabaa laftu inay ku soo bixi waydo qufac ama xamxam awgeed marka waa inuu qofku sameeyo qodobada soo socdo.

1- Waxaad qaadaysaa midhaha saytuunka (OLIVE SEEDS)

2- Waxaad midhahaas ku ridaysaa digsi

3- Dabka ayaad saaraysaa markaad biyo ku darto

4- Wax yar kadib waxaad cabbaysaa isagoo kulul

Intaas oo dhan marka aad samayso, haddii Alle idmo laftu way ka baxaysaa dhuunta,

haddii aadan rumaysneyn lafaha kalluunku inay sidaas ku baxayaan, waxaad lafta

kalluunka ku dhex ridaa biyaha saytuunka oo kar-karsan, kadib ayaad arkaysaa

wixii natiijo ah.

Fiiro Gaar Ah:- Saytuun waxa looga jeedaa midhaha yar-yar ee cagaaran, ee maaha midka ay soomaalidu u taqaano saytuunka.

Leave a Reply