Boorame: Dad Loo Xidhay Shil Baabuur oo Dhimasho Sababay

0
602

By Saciid Cagjar

Boorame(Dawan)- Laba Caruur ah oo isku qoys ah ayaa ku dhintay, laba kalena way ku dhaawacmeen shil baabuur oo habeenimadii Salaasadii  ka dhacay magaalada Boorame ee gobolka Awdal.Shilkani ayaa dhacay ka dib markii baabuur nooca raaxada ah (Grande) uu galay guri qoys deganaayeen oo   ay jiifeen caruur waxaana halkaa ku nafwaayey laba hablood oo caruur.

Taliyaha Ciidanka wadooyinka ee gobolka Awdal Kabtan Axmed Daahir Yuusuf “Maydhane” ayaa ka warbixiyey sida ay wax u dhaceen, waxaanu yidhi, “Waxaan ka hadlayaa shil habeen hore (habeen saddexaadkii) ka dhacay xaafada  India line-ka  oo gaadhi yar oo Grande ah uu guri galay , kaas oo ay ku dhinteen laba caruur ah. laba kalena ku dhaawacmeen, halka gurigiina khasaare gaadhay, saqiir ayey ahaayeen oo danbe may lahayn Illahay Samir iyo iimaan ha ka siiyo qoyskay ka baxeen labadaa caruurta ah.”

Taliyuhu wuxuu sheegay inay falkaas u xidheen  koox dhallinyaro ah oo shilkaas ka masuul ahayd, waxaanu yidhi, “Afar qof ayaanu u xidhnay oo isugu jira dirawalkii, kireeyihii, damiinkii iyo kii Macradka ka soo saaray, waxaanu horgeynay sharciga oo saldhiga dhexe ayey ku jiraan.”

“Macdarraddada  ku yaal Boorame, laba Macrad mooyee inta kale sharciga kuma dhaqmaan oo way jabiyeen.  hadda ka hor waxaan gacantayda ugu geeyey waraaqo sharci ah oo aanu ugu digayno, waxay ka kiraynayaan Carruur yar-yar oo aan waalidkood ogayn waxaana ka dhashay shilkan foosha xun,”ayuu yidhi Taliyaha ciidanka nabadgelyadda waddooyinka Boorame oo xalay la hadlay Dawan.

 

 

Leave a Reply