Ceel Biyo Macaan Leh oo Laga Hirgeliyay Deegaanka Cali Ciise

0
374

Burco (Dawan)- Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa shalay kormeer hawleed ku tagay Deegaanka Cali Ciise oo dhinaca Hawdka kaga beegan magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer, halkaasi oo laga qodayo Ceel Biyood, waxaanu sheegay in qodista ceelkaasi guul laga gaadhay.

Gudsoomiye Ramaax waxa uu sidaasi ku sheegay warbixin uu siiyay Wakaalada wararka Somaliland ee SOLNA, isaga oo ku sugan deegaanka Cali Ciise ee ay ka socoto hawsha qodista ceel biyoodkaasi, waxa uu sheegay in Illaahay mahadii guul laga gaadhay hawshii qodista ceelkaasi, maantana ay xoolihii ka cabbayaan oo booyadihii ka dhaaminayaan.

Deegaanka Cali Ciise ee laga hirgeliyay Ceel Biyoodkan ayaa laga helay Biyo macaan oo saafi ah, waxaanu ceelkani ka mid yahay Ceelashii qaabka gurmadka ah loo bilaabay, kadib markii ay dabo dheeraatay abaarta baahsan ee dalka ka jirtaa, waana ceelkii labaad ee biyo laga helo mudooyinkii u dambeeyey iyadoo horena ceelkii biyaha ee Coodanle ee isla gobolkaas biyo laga helay.

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer waxa uu sheegay in ceelkan cusub ee deegaanka Cali Ciise laga qoday dhul ay biyo la’aan baahsani ka taagnayd iyadoo halka biyo ugu dhow ee ay u arooraana ay ahayd gudaha Magaalada Burco, halka sidoo kalena gudoomiyuhu guusha ceelkan laga gaadhay ku tilmaamay mid dhiirrigelinaysa in ceelal biyood oo kale laga qodo deegaanadaasi.

Ugu dambayntiina Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax waxa uu u mahadnaqay dhamaan cidii gacan ka gaysatay qoditaanka ceel biyoodkaasi gaar ahaan wasiirada wasaarada Maaliyadda, Samsam Cabdi Aadan, wasiirka warfaafinta iyo wasiirka biyaha oo fulinayey amarkii madaxweynaha Somaliland ee ceelkaasi lagu qoday.

Leave a Reply