“Ma Jiraan Sarrifleyaal la Xidh-xidhay Laakiin Doolarkii oo Suuq Madaw Galay Ayaanu ka Hawl”

0
256

Burco(Dawan)- Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd,ayaa ka war bixiyay kulan ay shalay la yeesheen Sarrifleyaasha ka shaqeeya isku bedelka lacagaha.

Guddoomiye Xayd ayaa intaa ku daray in ay sarrifleyaasha ka wada hadleen sidii loo fulin lahaa digreetadii Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo uu ka soo saaray sicir bararka iyo sarrifka lacagaha qalaad taasoo  uu Madaxwyne Siilaanyo digreeto Madaxweyne uu ka soo saaray  kor u qaadista lacagta Somaliland iyo xakamaynta sare u kaca qiimaha Dollarka.

Waxaanu intaa raaciyay in  magaalada Burco ay ka sifaynayaan dad si sharci darro ah uga ganacsada Dollarka oo bilaabay suuq madaw inkasta oo aanay illaa hadda jirin cid loo xidhay suuq madaw ee Dollarka gacanta dambe lagu iibinayo.

Guddoomiyaha oo waraysi kooban khadka taleefanka  ku siiyay wargayska Dawan,ayaa sarrifleyaasha uga digay in ay baalmaraan Digreetada la dagaalanka Sicir bararka ee uu ku jaangooyay qiimaha Dollarka isla markaana kor loogu qaadayo qiimaha shillinka Somaliland.

“Maanta(shalay) waxaanu shir wada yeelanay sarifleyaasha ka ganacsada isku bedelka lacagaha,kulankaasina wuxuu la xidhiidhayay sidii loo fulin lahaa digreetadii Madaxweynaha ee loogu dhaqmi lahaa isla markaana qiime loogu yeeli lahaa lacagta shillinka Somaliland iyo sidii qiimaha Dollarku uu u joogi lahaa halkii uu Madaxweynaha Somaliland u asteeyay ee aanu u dhaafi lahayn si wax looga qabto sicir bararka dalka ka jira taasina gobolka way ka  hir gashay laakiin wali xaal xaal ayaa jira.”

Guddoomiyaha oo la waydiiyay qiimaha Dollarku in uu hadda ku sar go’an yahay qiimihii Xukuumaddu u goysay,ayaa ku jawaabay. “wali salka kamuu fadhiisan oo waxaa jira suuq madaw oo aanu la dagaalamayno taasoo ah gacanta dambe oo ay wali jiraan dad si suuq madaw ah uga ganacsanaya taana guddi ayaanu u saarnay Sarrifleyaashana waxaanu shirkaanu wada yeelanay aanu ku balanay in ay u hoggaansamaan fulinta Digreetadii Madaxweynaha waanay naga aqbaleen in aanu wada jir arrintaa uga wada hawl galno ,guddina waanu  magacawnay la socota oo daba gal ku samaysa fulinta digreetada Madaxweynaha ciddii suuq madaw lagu qabtana sharciga ayaa la marin doonaa.”

Guddoomiyaha oo la waydiiyay waxa ka jira wararka sheegaya in  Burco lagu xidh xidhay shalay qaar ka mid ah Sarrifleyaasha,ayaa ku jawaabay. “waxba warkaa kama jiraan sarrifleyaal la xidh xidhanay ma jiraan laakiin waxaanu wada yeelanay kulan aanu kaga wada hadlaynay fulinta digreetadii Madaxweynaha waanan isku raacnay in aanu wada jir uga wada shaqayno laakiin ciddii lagu qabto in ay si sharci darro ah uga ganacsanayso isku bedelka  lacagaha oo ay si suuq madaw ah dollarka uga  ganacsanayaan waa la xidhiyaaa oo sharciga ayaa la marinayaa.”ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd oo isagoo ku sugan magaalada Burco Xarunta gobolka Togdheer Taleefanka ugu warramay wargeyska Dawan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply