Wasiir Fariin Adag u Diray Madax-dhaqameed iyo Siyaasiyiin ka Hanjabay Waraabhinta

0
260

Berbera (Dawan)- Wasiir ku xigeenka Wasaraadda Xanaanada Xoolaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cali Maxamad Cilmi (Cali Gadh-dheer), ayaa digniiin u diray cid kasta oo ka hor-timaada saldhiga Millatari  ee dowladda Imaaradka Carabtu ka dhisanayso garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.

Wasiirka ayaa shalay xafiiskiisa ku qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay faa’iidadda saldhigaasi u leeyahay qaranka curdinka ah ee Somaliland, isaga oo hanjabaad u diray ciddii ka hor timaada hirgelinta saldhigaas .

Cali Maxamed Gadh-dheer, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Faa’idooyin badan ayuu noo leeyahay, kaamabayaasha dhaqaalaha wuu inaga caawinayaa, sida wadooyinka, dhaqaalaha iyo baasaboorkeena, waxay ballan qaadeen in lagu tagayo Imaaradka, waa saaxiibtinimo inoo soo kordhay oo faa’ido badan leh”

Wasiir ku xigeenku waxa uu digniin adag u diray madax dhaqameedka iyo siyaasiyiinta warbaahinta ka hanjabaysa, waxaanu yidhi “Madax dhaqameed ama siyaasiyiin ama wax kale oo hanjaba waa wax aad iyo aad loola yaabo . war dawlad baa iska leh , dawladdu waxay iska leedahay saddex sifo oo u gaar ah in ay hanjabto , in ay hub yeelato oo qaadato dawlad baa iska leh , dawlad baa iska leh in ay xabsi yeelato oo dad ku xidho , waxaa la yaab leh nin shacab ah oo dawlad u hanjabaaya, dawladdeena mooyee dawlad kale oo qof shacab ah u hanjabo weli caalamka laguma arag, markaa waxaan leeyahay war haday dawladdii qadaadka ku soo qabanwayday oo xabsi ku dhigi wayday , kuna hanjebi wayday oo xabsiga ku dhigi wayday oo indhaha kaa qarsatay waar halkiina ku ekaada , ragaana waxaan leeyahay war lafihiina u tudha oo ka wantooba waxaad waddaan”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland ayaa sheegay in Xukumadda madaxweyne Silaanyo ay tahay xukumadda ugu wax-qabadka badan ee Somaliland soo marta waxaana uu yidhi “Xukumaddan maanta joogta waa xukumaddii ugu wax qabadka badnayd, saldhigaa melatei ma aha mid xukumaddu la dhukusayso oo la dhuumanayso ee dawladda shuruucdeeda iyo nidaamkeedu wuu u dhan yahay, hay’adaha sharciga ah ayaa ka doodaya, hadalka aad meelaha ka guraysaan cid baa doodinista leh oo diidmadiisa iyo ogolaanshihiisa leh ee war aynu sugno inta golaha wasiiradda iyo sharci dejinta la soo hor dhigayo ee ay diidayaan ama ay yeelayaan, laakiin inta ka horaysa haddii aynu suuqa ka sii qaylino oo cid akhrisay aaney jirin dee wixii loo qayliyaan waa khalad.”

 

Dhinaca kale Wasiirka ayaa ka hadlay xaaladda abareed ee dad iyo duunyo iyo kaalinta ay ka qaateen Wasaarad ahaan, isaga oo ILLAAHAY ka baryey in uu abaarta inaga soo jebiyo, waxaana uu yidhi “ Labadii bilood ee u danbeeyey ilaa shan iyo toban kooxood ayaanu u baxay galbeedka , xaggaana waxaan u dirnay laba iyo toban kooxood iyo dawooyin laakiin waxaa kala badan dhibta timid iyo awooda wasaaradda , labaatan melyan oo neef ayaa waxaa ku dhacday nafaqo darro iyo gaajo difaac xoolaha ayaa dhacay oo nafaqo darro sababtay , xoolihii imika boqolkiiba afartan way dhinteen kuwa kale hadii aan illahay raxmaadkiisa u shubin walaahay xaladoodu way adag tahay.”

Wasiir Cali Gadh-dheer ayaa sheegay in hay’adaha arrimaha caafimaadka iyo xooluhu ay cadeeyey in xoolaha Somaliland aanay qabin Xanuunka Rift Valley, waxaanu yidhi “Hay’adaha caalamiga ah, sida FOA EU iyo hay’adaha kale ee ku shaqada leh, waxay caddeeyeen in xanuunka Rift Valley aanu ka jirin Somaliland.”

Ahmiyadda Siyaasadeed ee uu Somaliland u Yeelanayo  Saldhiga Millatari ee UAE ka Furanayso Berbera

By:Cismaan Cabdi Axmed

Marka dawladda Somaliland tallaabo hore u qaadaba, waxa soo baxaya dagaalo siyaasiya oo nashqadiisa ay leeyihiin cadowga dalkan la jecel inaanu horumar lagu tanaado samaynin, balse uu ahaado mid dadkiisu aanay ka bixin dabaqada saboolnimo ee daashatay muddada  dheer.

 

Cadowga Somaliland, waxa uu makarafoonada  tushuushka  lagu gelinayo shacabka u soo dhiibaa siyaasiyiinta mucaaridka ah iyo dad sheeganaya aqoon-yahanno, kuwaasi oo  qasdigoodu yahay inay  badhaadhaha bello ugu sawiraan. Hase yeeshee  waxay u barteen inay muddo been dadka ku dhego barjeeyaan oo ay dharaaro TV-yada la soo fadhiistaan.

Haddaba waxaan jecelahay inaan qormadan aan si kor ka xaadis ah u dul istaagno ahmiyadda siyaasadeed, dhaqaale iyo faa’iidooyinka togan ee ugu jira Somaliland, qorshaha imaaraadka carabtu ay saldhig millatari kaga furanayaan magaalo xeebeeda Berbera.waxaana ugu muhiimsan qodobbadan:-

 

1- Waxa uu wax weyn ka tari doonaa nabadgalyada gobolka guud ahaan, gaar ahaana dekada Berbera iyo marinbiyoodkeeda, kaasi sahli doona fududeyna doona isticmaalka dekada.
Saladhigani waxa uu magaalada Berbera iyo dekada ka dhigi doonaa  buqcad ay ku soo hirtaan maalgashadayaasha caalamku oo ay hantidooda ku aamini karaan. Waxay kor u qaadi doontaa  gaadiidka dhulka , cirka iyo badda ee istica  Berebera.

2- Waxa qiimahoodu hoos u dhici doonaa bagaashka  iyo shixnadaha kale qiimaha lagu keenno wadanka iyo ka lagu caymiyo,  kol haddii amniga marin biyoodku helay ciidan cudud leh oo suga amniga. Dekada Berbera waxay ka dhigi doontaa mid la jaan-qaada dekadaha caalamka oo la tartan kuwa kale ee mandaqada ku yaalla.

3- Dhismaha marinka ganacsi ee isku xidhi doona dekada iyo Marsada Berbera (Berbera Corridor) oo lagu qiyaasay lacag ka badan 300 milyan oo dollar in uu ku kici doono iyo waliba mid xadiidka tareenka ah oo isku xidhi doona Somaliland iyo Itoobiya.

4- Wuxuu saldhigani  suurto-gelin doonaa in beeraha dalka imaaraadku ka iibsadeen Itoobiya waxa ka soo baxa laga dhoofiyo oo aanay dekadda Berberi  noqon uun mid wax laga soo dejiyo ee ka dhigi doonta mid Imaaraadku iyo Itoobiyaba wax ka dhoofiyaan.

5- Dhismaha madaarka Berbera ee caalamiga ah, wuxuu  soo jiidan doona maalashi caalamiya iyo dalxiisayaasha.

6-Mashruuca saldhigu wuxuu kor u qaadi doonaa qalabaynta , tayaynta iyo dhismaha qalabka Ciidamada badda, dhulka iyo cirka ee Somaliland, waxaanay tababarrada ay ka kasbadaan u sahli doonaa gudashada difaaca soohdimaha dalka.

7- Imaaraadka oo noqon doonta dal qaddiyadeenna ka difaaci doona fagaareyaasha caalamka sida Jaamacada Carabta, qarramada Midoobay iyo Ururka dalalka Islaamku ku bahoobeen.

Maslaxada Somaliland iyo danaha Somaliland ee calaamka iyo gobolka uu kaallinteedu noqon doonto mid muuqata oo soo dedejin doonta aqoonsi caalami ah oo dalku helo. Waxaanay muujin doontaa buqcada  istaraatajiga ah  ee Illaahay ku abuuray  dadka reer Somaliland.
Shaqo abuurka oo ah baahida ugu weyn  ee dalka ayuu wax ka tari doonaa.

 

8- Saldhigan Milarari dalka Itoobiya wax saameyn taban ah kuma yeelanayo. heshiisyadana waxa ku jira in aan lagaga weerari doonin dalalka jaarka ah,  Itoobiya oo aynu xidhiidh iyo wada shaqayn dhanka amniga leenahayna way la socotaa waanay og tahay.

Siyaasiyiinta mucaaridka ah ee dagaalka hubsiimo la’aanta ah ku jira ee leh, waxa saldhigan diidan Itoobiya. Waa been sida xumbada u gudhi doonta. Dadka saldhigan ka soo horjeedaa ma oga in Itoobiya iyo Imaaraadku ay leeyihiin iskaashi dhinaca millatariga ah oo ay wax wada qabsi ka dhaxeeyo.

Waxa jira  in dalka Turkigu uu ka mid yahay waddamada diidan saldhigan, iyagoo dalka Soomaaliya ka sameysanaya saldhig millatari oo hubaynaya dawladda itaalka daran ee Soomaaliya oo ah cidda qudha ee Somaliland qaranimadeeda halista joogtada ah ku haysa ee loo baahan yahay in aynu la nimaadno xeelad diblomaasiyadeed oo ka sareeya qorsheyaasha ay u maleegayaan si ay Somaliland u muquuniyaan.

 

Waxaan qabaa in dalka saldhigyada ugu badan ee millatari ay ka furan yihiin ee mandaqada ku yaallaa uu yahay wadanka Jabuuti, iyaguna maalgashi iyo dhaqaale ay ka faa’iidaan mooyaane khasaare kama joogaan.

Sidaas darteed, waxa shacbiga Somaliland la gudboon inay ka ilbaxaan shugux-shuguxda dadka aan xilkaska ahayni ay tumayaan. Waxaana habboon in xukuumaddu ay ka fikirto horumarinta dalka balse aanay dheg u dhigin hadaaqyada cadowga loogu adeegayo ee afka loogu riday dad u dhashay Somaliland oo iyagoo aan is ogayn ama aqoon darro hayso doonaya inay isbaaro u dhigtaan tallaabo kasta oo hore loogu qaadayo himilooyinka qarankan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply