Gabadh Turkey Ah Oo U Dhimatay Falaadho Kuwa X-rayga Ah Oo Dhex Maray Jidhkeeda

0
255

Sida lagu baahiyey warbaahinta wadanka Turkey-ga , waxa cisbitaalada wadanka Turkey-ga mid kamid ah ku dhimatay islaan 50 sanno jir ah, taas oo dhimashadeeda uu sababay qalabka X-ray-ga loo yaqaano , gaar ahaana noociisa loo yaqaano MRI MRI-ga.

Islaantan oo la doonaayey in la daweeyo ayaa ahayd mid xaaladeeda caafimaad ay iska ahayd mid dhex dhexaad ah, iyada oo doonaysay inay iska baadho cisbitaalkaasi, waxaanay timid cisbitaal ay lee dahay dawladu oo ku yaala gobolka Nigde , waxaanay gashay Koomo markii lagu dhuftay X-raygaasi.

Dhakhaatiirta ayaa ku guul daraystay inay bad baadiyaan islaantaasi, iyaga oo muddo la daalaa dhacaayey, waxaanay ugu dambayntii sheegeen inay islaantaasi dhimatay.

Wargeyska Milliyet oo uu warbixintan kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay in maydka islaantaasi loo gudbiyey guddida caafimaadka ee wadanka Turkey-ga , kuwaas oo shegay in ay rumaysan yihiin in Islaantani markii hore ay soo qaadatay irbado  ka awood badnaa jidhkeeda, taasina ay ku kicisay Elerji badan oo keenay inuu wadnuhu istaago .

Baadhitaanka maydka haweenaydan ayaa weli socda , iyada oo la filaayo in maalmaha soo socda laga soo saaro natiijo cad oo tilmaamaysa waxa sababay geerida islaantan.

 

Leave a Reply