Hoggaanka Mustaqbalka Dunida!

0
290

Akhrisku wuxu qiimo weyn u sameeya aqoonta iyo waayo aragnimada qofka. Aayadii ugu horaysay ee Quraanka kariimka ah soo degtaana waxay ahayd “ Akhri” oo Rasuulka (scw) Allah ku amray inuu magaciisa akhriyo. Waan qiimaha cilmiga iyo gaar ahaan akhriska.

Iyadoo timaadada qofku Allah ogyahay haddana waxa laga saadaaliya sida noloshiisu noqon doonto wakhtiyada ku soo waajahan Kutubta iyo buugaagta uu akhriyay iyo bulshada uu la dhaqmay.

Akhrisku waa horumarka bulshooyinka, qofka akhriska badani wuu ka maskax iyo miisaam weyn yahay dadka aan akhriska badan samayn maxa yeelay wuxu helayaa qoraalo kala duwan oo ka soo burqaday maskaxo aqooni ka soo maaxayso.
Akhriskuna wuxu saameeyaan hab dhaqanka, fikirka iyo fogaal aragga qofka ama bulshada akhriska badan.

Dalka japan wuxu ka mid yahay dalalka dunida ugu akhriska badan waana tan keentay inay noqdaan dhaqaale ahaan ugu horeeya dunida. Aqoonyahano badan oo la weydiiyay aadmiga hogaanka dunida qabanaya, waxay si dhakhso ah uga jawaabaan waa dadka akhriska  badan.  Dhamaan dadka dunida wax ka bedelay waxay ahaayeen kuwo akhriskoodu aad u sareeyay.

Leave a Reply