Muxuu ka Qoray Trump Buugga Michel Nostredamus?

0
306

Buuga uu qoray faaliyaha Yuhuudiga ah ee noolaa qarnigii 15aad laguna magacaabo Michel Nostredamus oo ay  reer galbeedka iyo Yuhuudda adeegsadaan, isla markaana ku sii qoray arimo badan oo uu sheegay inay tahay saadaasha dunida ayaa la sheegay in laga dhex helay magaca Trump.

Buugan sida uu qoran yahay maaha mid cad oo qof kastaa fahmi karo waa habka afarlayda (Quatrains) oo isku daboolan waxaana fasira dad gaar ahi.

 

Hore waxa loo qoray in laga helay ariimo badan oo dhacay sida  Nasigii Hitler iyo weerarka Maraykanku Ciraaq ku qaaday iyo labadii daarood ee la burburiyay, haddana dadka buuga akhriyaa arimhaasi  si cad uguma fahmaan waxa qoran oo mararka qaarkood aan shaqo isku lahayn ayaa lagu fasiraa weedho buuga ku qoran.

 

Waxay sheegeen in Trump ay ugu qoran tahay sidan : Waxa America ka dhici doona doorasho, waxaana ku soo bixi doona nin kibraani ah oo aan edeb lahayn, oo aan bidaar lahayn, oo meel qaloocan ka soo galay. Waa nin aan nixin oo la mid ah Hitler mana ku shaqaynayo garaad iyo caqli midna, cilmi badana ma laha.

 

Waa nin wixii uu ku hadlaa aanay lahayn ujeedo iyo ka jeedo, waxaan uu dunida u horseedi doona dhibaato, iyo burbur. Laakiin dad badan waxay aaminsan yihiin in buugani yahay riwaayad dunida loo dhigo oo marka la rabo in ariimo la sameeyo ay tahay goobaha ay sheegaan in horeba loo sii sheegay.

Leave a Reply