Shirkadda Honda Oo Soo Saartay Mooto Aan Dhacayn

0
251

Shirkadda Honda oo inta badan lagu yaqaano soo saarista Mootooyinka ayaa soo saartay mooto cusub, taas oo awoodeeda miisan yahay mid aad u dheeli tiran, waxaana adag siday mootadaasi u dhacdaa.

Mid kamid ah masuuliyiinta sare ee shirkadda Honda oo u waramaayey wargeyska Daily Mail oo uu kazoo xigtay warbixintan Wargeyska Dawan ayaa sheegay in ay badatay cabashada dhanka dhicitaanka ee Mootooyinka ay soo saaraan, iyada oo ay ka yimaadaan mar walba dhibaato gaadhsiisan dhimasho.

Taasina ay keentay inay raadiyaan hab dhibkaasi looga baxo, waxaanu intaasi ku daray in mootadani tahay mid is qaboojinaysa , sidoo kalena iska dhigaysa mid dheeli tiran markasta oo la joojinaayo iyo markasta oo loo wadaayo si aad yar ah.

Waxaana lagu tijaabiyey qaybteedii ugu horeysay magaalada las Vegas ee wadanka Maraykanka, iyada oo laga dhigay mid Bureegeedu isu qabanaayo si deg deg ah , sidoo kalena marka Bureega la qabto iska dhigaysa mid dheeli tiran.

Waxaana Mootadani kaga duwan tahay Mootooyinkii hore iyada oo uu soconaayo Shaaga hore , kaasina sahlaayo inay si fudud u istaagto marka la joojinaayo, waxa kale oo ay kaga duwan tahay in qofku si kala duwan u socod siin karo shaagaga ku yaala mootadaasi.

Mootadan ay soo saartay shirkadda Honda ayaa ah mid lagu xidhay ama lagu rakibay qalabka loo yaqaano CES oo ah mid u sahlaaya inay si fudud u dhaqaaqi karto ama u istaagi karto, iyada oo aanay qofka la dhacayn .

 

 

 

Khubarada Caafimaadka Oo Digniintii Ugu Cuslayd Kasoo Saaray Cabitaanka Sigaarka Electronics-ka Ah

 

Leave a Reply