Aagga Cagaaran ee Baqdaad oo Madaafiic lala Beegsaday

0
294

Dhowr madfac ayaa waxa ay ku dheceen meesha sida weyn loo ilaaliyo ee Aagga Cagaaran, saacado ka dib markii ugu yaraan shan qof ay ku dhinteen dibad baxyo ruxay caasimadda Ciraaq.

Ma cadda in qofna uu wax ku noqday duqeyntaas loo geystay Aagga ay ku yaallaan xafiisyada dowladda iyo safaaradaha.

Saraakiisha Militariga waxay sheegayaan inay u muuqato in madaafiicda laga soo tuuray xaafadda Baladiyat, halkaas oo la sheego in Muqtada Al-Sadr uu ku leeyahay taageerayaal aad u badan.

Sabtidii, kumannaan qof oo dalbanaya is bedel dhanka doorashada ah ayaa isugu soo baxay halkaas, waxayna isku deyeen inay Aagga Cagaaran ka gudbaan.

Booliska ayaa ku riday gaaska dadka ka ilmeysiiyo. Ugu yaraan 200 oo qof ayaa ku dhaawacantay, sida wararku sheegayaan.

Dadka isu soo baxay waxay u badan yihiin taageerayaasha wadaadka Shiicada ah ee Muqtada Al-Sadar, waxay doonayaan in is bedel lagu sameeyo guddiga doorashada.

Waxay sheegeen in guddiga uusan madaxbanaaneyn. dhammaan xubnaha guddiga ayaa lala xidhiidhinayaa axsaabta siyaasadda.

Taageerayaasha Al-Sadar ayaa dibad baxyo hore oo ay ka sameeyeen ku guuleystay inay gudaha u galaan Aagga Cagaaran.

 

Leave a Reply