Jakarta oo loogu baaqay inay maayar Muslim ah doortaan

0
294

Kumannaan qof oo reer Indonesiya ah ayaa isugu tagay magaalada Jakarta, iyagoo Muslimiinta ku baraarujinaya in musharax Muslim dhab ah ay u doortaan Maayarka magaalada.

Maayarka hadda, — Basuki Tjahaja Purnama – waa masiixi asal ahaan ka soo jeeda Shiinaha, kaas oo dacwad ay maxkamad kaga socoto ka dib markii lagu eedeeyay inuu Quraanka Kariimka ah Aflagaadeeyay.

Markale ayuu musharax yahay iyadoo dacwadda ay socoto, waxaana la sheegayaa inay suuragal tahay inuu ku guuleysto doorashada Arbacada.

Ololaha isaga ka dhanka ah waxaa hogaamiyaha culimo Muslimiin ah.

Dadka isu soo baxay waxay ruxayeen boodhadh   iyo calamo, waxaynka ku qeylinayeen “qof Muslim ah doorta”.

Dadka ka qayb galay isu soo baxa ayaa soo jeediyey in loo codeeyo laba murashax oo muslimiin ah oo Purnama xillka kula loolamaya.

Dadka qaar ayaa isugu tagay meelo gaar ah si ay ugu duceeyaan musharrixiinta Muslimiinta ah.

Taageerayaasha qaar waxay siteen boodhadh ay ku qornaayeen “Waxaan doorbidi lahaa hogaamiye muslim ah. waa xaaraam in la doorto qof gaal ah”.

 

Bannaanbax ka dhan ahaa Parnama oo Jakarta ka dhacay bishii Desember wuxuu isu badalay qalalaase, waxaana ku dhintay hal qof.

Waxaa rabshadadaasi sidoo kale ku dhaawacmay tobanaan qof oo shacab iyo boolis ah.

Mr Purnama wuxuu noqday masiixigii ugu horeeyay muddo 50 sano ah ee maayar ka noqda Jakarta. Wuxuu kala wareegay madaxweynaha hadda Joko Widodo, sanadkii 2014-kii.

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply