Trump oo Waaxda Cadaaladda Mareykanka ku Tilmaamay Mid Baaba’day

0
301

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in hannaanka cadaaladda ee Mareykanka uu yahay mid baaba’ay.

Waa weerarkii ugu dambeeyay ee uu ku qaado garsoorayaasha joojiyay xannibaadii uu saaray todobo dalal oo Muslimiinta ku badan yihiin.

Trump ayaa dadka ka socda dalalka Muslimiinta ay ku badan yihiin ku soo rogay xannibaad dhanka socdaalka ah dhowaan.

Wuxuu bartiisa Twitter-ka ku qoray, wuxuuna soo xigtay wargeys mala awaal sameeyay.

Wargeyska ayaa qoray in 77 boqolkiiba qaxootiga Mareykanka galay ka dib markii xayiraadda la qaaday inay ka yimaadeen todobada dal ee “laga shakisan yahay”.

Trump wuxuu arrintaas ku tilmaamay mid “aad halis ugu ah Mareykanka”.

Trump ayaa la filayaa in Isniinta ama salasada uu soo saaro amarro cusub ee dhanka socdaalka ah.

Dhanka kale, Iskuul Islaami ah oo ku yaalla Mareykanka ayaa sheegay in naceybka Trump uu u qabo Muslimiinta ay abuurtay jawi aad u xun.

Iskuulkaas ayaa ka diiday mashruuc dowladda ay siisay oo u jeedadiisu ahayd la dagaallanka xagjirnimada.

Aasaasaha iskuulka Bayan ee ku yaalla magaalada Claremont ee gobolka Kaliforniya, ayaa sheegay inay diidaan inay dowladda ka qaataan 800,000 oo dollar.

Jihad Turk ayaa sheegay in lacagtaas ay wax u dhibeyso sumcadooda iyo kalsoonida lagu qabo.

 

Leave a Reply