Jidhka qofka bani’adamka ah ayaa noqday mucjiso iyo amankaag sida uu u shaqaynayo, Waxaana la ogaaday in maskaxda qofka ay kaydin karto 2 malyuun oo macluumaad ah halkii ilbidhiqsi ee keliya iyadoo haddana aanu miisaankiisu ka badnayn 2 KG, waxa kale oo uu ka kooban yahay 150 Unug ugu badnaan.
Arrimaha kale ee yaabka noqday Waxa ka mid ah Isha qofka oo libiqsata maalintii 8000 goor , halka dareemaha dhadhanka uu ka kooban yahay 3 qaybood oo carabka dushiisa ah oo kala sareeya, midkoodna uu dhadhamiyo dhanaanka, kan kale macaanka iyo kan sadeexaad oo isna ah dareemaha kulaylka.
Qofka Insaanka ah Wadnihiisa ayaa isna sameeya garaac dhan 100 kun oo jeer maalin kasta, beerka ayaa isna lixdii todobaad ba mar cusboonaysiiyay shaqada uu jidhka u hayo, , iyadoo sidaasi oo kale kelyuhuna ay noqdaan sidoodii todobaad hal mar. Laakiin Maqaarka qofka ayaa isaguna bil kasta is bedel ku dhacaa, kaasi oo ah kan muujiya da’da iyo awooda jidh ahaaneed ee qofka.