Sanadkii 1989 ayuu nin sixiroole ah oo caan ahaa oo u dhashay dalka Ruushka uu sheegay inuu isagu awood u leeyahay inuu joojiyo Tareenka wadada maraya, marka uu amarka siiyana aanu dhinacna u dhaqaaqi Karin, ee uu halkiisa istaagyo.
Arintaasi oo dad badan ka yaabisay ayuu dadka ugu yeedhay inay daawadaan sida uu u joojinayo, Waxaana uu istaagay badhtamaha Wadada xadiidka ah ee tareenka markii uu arkay inuu soo socdo. Sixiroolahan ayaa gacmaha taagay isla markaana tilmaamo bixiyay isagoo rumaysan in ficiladiisu ay joojinaynaan tareenka sida ay xaqiijiyeen dadkii arkayay.
laakiin nasiib daro markii uu soo gaadhay Tareenku wadaadii uu dhex taagnaa, inyarna dareen ma samayn, waxaana uu halkaasi ku jiidhay ninkii saaxirka ahaa iyagoo arkaya dadkii uu tusayay mucjisadiisa. Iyadoo markii uu jiidhay aanu tareenku istaagin ee uu iska sii watay safarkiisa.
Dunida maalin kasta waxa u dhinta khuraafaad ay aaminsan yihiin dad tiro badan oo ku nool dalal kala duwan. ( Ejaaba News.com.)