Trump oo Difaacay Siyaasadihiisa

0
291

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa difaacay guulaha ilaa iyo hadda uu gaadhay maamulkiisa, isagoo  habeen hore  taageerayaashiisa kula hadlay gobolka Florida.

Waxa uu dadkaasi isu soo baxay u sheegay in dareen rajo wanaag ah uu ka dhashay Maraykanka, waxaana uu carabka ku adkeeyay in uu fulinayo ballanqaadyadiisa ku aaddan dhaqaalaha iyo ammaanka.

Mr Trump ayaa marka kale si kulul u dhaliilay warbaahinta, isagoo ku eedeeyay in ay faafineyso warar been ah oo ay dan gaar ah ka leedahay.

Mar uu difaacayay amarkii uu Maraykanka kaga mamnuucayay dadka ka yimaada 7 dal oo Muslim ah, ayaa waxa uu yidhi “Dalkeena uma rabno dad fekera xun wata.”

Mr Trump ayaa intaa raaciyay in uu u tegay Florida si uu waqti ula qaato asxaabtiisa iyo dadkiisa.

 

 

 

 

Leave a Reply