“Somaliland Markay wax u soo Kordhaan Nin ku Farxa Ayaan Ahay, Saldhigga Millatarina waa Furihii Aqoonsiga Dalka” Wasiir Cadami

0
294

Hargeysa(Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Xaaji Cali Cadami,ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in uu is-casilayo sida ay qoreen qaar ka mid ah mareegaha Internet-ku, oo baahiyay inay  ku kala aragti duwanaadeen Xukuumadda saldhigga Millatari ee laga siinayo dalka Imaaraadka Carabta magaalada Berbera.

Waxaa kale oo uu Wasiir Cadami intaa ku daray in uu yahay nin wayn oo dalka dib u dhiskiisa iyo horumarkiisa muddo badan ka soo shaqayanayay isla markaana uu ku farxayo wax kasta oo wanaag ah oo Somaliland u soo kordha, waxaanu Saldhigga Millatari ee Imaaraadku Berbera ku yeelanyo uu ku tilmaamay in uu yahay furaha aqoonsi ay Somaliland ka hesho beesha Caalamka iyo saaxiib dhaw oo u soo kordhay dalka.

Wasiirka oo  u waramayay Dawan,waxa uu ka hadlay tibaaxaha sheegay inuu is casilayo, waxaanu yidhi,  “Horta marka wax la sheegayo ama cid war laga qorayo waxaa habboon oo sax ah in wax laga waydiiyo laakiin in qofku waxa uu jecel yahay uu war ka dhigo oo uu cid aanu waxba waydiin uu been ka sheegaa maaha warkaasi waa been abuur, been abuurkaasna waxaan kuu caddaynayaa in aanay waxba ka jirin anigu Somaliland wanaag  kasta oo u soo kordha nin ku farxaya ayaan ahay saldhigga Millatarina waa furihii aqoonsiga Somaliland iyo saaxiib dhaw oo dalkan u soo kordhay,suuragalna maaha in aynu horumar doono hadana aynu caalamka ka xidh xidhidhnaanyo markaa Saldhigga Millatari waa allaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka ku xidhnaanta caalamka iyo go’doonka bixii Somaliland waxaanu wax wayn ka tarayaa aaminaada caalamku Somaliland ay aaminayaan  ee lagu soo dhiiranayo lana ogaanayo in Somaliland ay tahay waddan sharcigu shaqeeyo oo heshisyo lala geli karo.”

Wasiirka oo la waydiiyay waxyaabaha Saldhigga Millatari uu faa;iido ahaan ku soo kordhin karo ciidamadda Somaliland,ayaa ku jawaabay. “waxaa jira tababbaro ciidankeena dibadaha aynu ugu dirno laakiin imika waxay ciidanku yeelanayaan saldhig ay saaxiib yihiin oo ay aqoon badan kala korodhsanayaan waana guul qaran waxaanan odhan karaa xataa kuwa diidan ee ka soo hor jeeda mucaaridnimada ayuunbaa la fogaatay ee way ogyihiin waxtarka iyo faa’iidada uu u leeyahay saldhiggu Somaliland.” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo u warramayay Wargeyska Dawan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply