“Mashruuc kasta oo madaxweynuhu soo qaadaba waa la dhaliilaa, toban cisho ka dibna waa la mahadiyaa”

0
312

Hargeysa(Dawan)- Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil, oo ka mid ah salaadiinta waaweyn ee gobolka Awdal,  ayaa ugu baaqay bulshada Somaliland inay soo dhaweynayaan  horumar kastoo dadka u soo kordha,  waxaanu ku dooday in saldhiga la bixiyeyna la mahadin doono.

 

Suldaan Saleebaan Cali oo ka hadlayey xafladii ay ku midoobayeen Xisbiga KULMIYE iyo Garabkii toosinta iyo Caddaaladda ee Axmed Muumin Seed ee ka soo baxay xisbiga WADDANI oo khamiistii lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

“Madaxweynaha JSL, Axmed Siilaanyo, ha guulaysto. Shirkii la soo noqoshada Somaliland ee Burco yaa joogay wakhtigaa, oo halkan fadhiya! Gacmaha la taagay way yar yihiin. Ilaa maalintaa waanu soo wada joognay, halkaa (Burco) waxuu ka qabtay annigu waan ogaa. Baabuurkaygii iyo kii Garaad Cabdiqani ayaa la dhacay, halkaa wuxuu ka yidhi, waan ogahay,”ayuu yidhi Suldaan Saleebaan, waxaanu intaas ku daray; “Madaxweynaha Somaliland  Mashruuc  kasta oo uu hadal-qaadayba waa laga horyimi, haddana toban cisho dabadeed ayaa la mahadiyaa, miyaan laga ilbaxayn taa. Deked ayuu hadal-qaaday, waa laga horyimi, maanta waa la mahadinayaa, dariiqyo ayuu hadal qaaday, waa laga horyimi, maanta waa la mahadinayaa.”

Suldaan Saleebaan Cali ayaa bulshada Somaliland u soo jeediyey inay soo dhoweeyaan saldhigga millatari ee imaaraadka carabta laga siinayo Berbera. “Saldhigga maanta taagan ee lagu dhaliilay mashaariicdii   hore ayey la mid tahee Ilaahay ha innoo barakeeyo. Waanu ku ayidsan nahay, waanan ku raacsan nahay, maxaa yeelay wuxuu yahay ayaan garanayaa madaxweynaha JSL, Wasiirka Madaxtooyadana waan garanayaa, maayarkii Burco ayuu ahaa wakhtigii la soo noqoshada madax-bannaanida  Somaliland lagu dhawaaqayay,”ayuu yidhi Suldaan Saleebaan  Cali Ismaaciil. Ugu dambayn waxa sheegay inuu taageersan yahay xisbiga KULMIYE iyo Murrashaxiisa madaxweynaha ee Muuse Biixi, waxaanu yidhi; “Haddii aan ka hadlo Guddoomiye Muuse Biixi iyo Xisbiga, Boorame ayuu noogu yimi, isagoo wefti aan baddi Abti u ahay wata, waanu qaadanay.Waanu qaadanay, bartii ayaanu u joognaa maantana, wax alaale waxaanu ku bedalaynaana ma jiro.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply