Dawladda Kuwait oo Shixnad Raashin ah Diyaarad ku Keentay Somaliland

0
274

Berbera (Dawan)- Dawladda Kuwait, ayaa raashin mucaawimo ah oo dhan toban tan oo iskugu jiray Bariis, Daqiiq, Sonkor iyo Boorash, waxay shalay ku keentay Madaarka Berbera diyaarad millatari oo siday raashin loogu talogalay boqol iyo konton qoys oo ka mid ah dadka abaaruhu tabaaleeyeen ee bariga Somaliland.

Deeqdan ayaa la sheegay inay hordhac u tahay deeqo kala duwan oo dawladda Kuwait kaga qaybqaadanayso samato-bixinta dad lagu qiyaasay 1.5 Milyan qof oo abaarta kulul ee dalka qaybo badan oo ka mid ah ka jirtaa ay saameysay. Deeqdani waxay ka dambaysay wefti ka socday xukuumadda Somaliland oo bishii hore socdaal hawleed ku tagay dalka Kuwait, kuwaasi oo ka koobnaa Wasiirka arrimaha dibada Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye),  kuwaasi oo la kulmay boqorka dawladda Kuwait Sheekh Sabaax iyo madaxda kale ee dalkaasi oo ay gaadhsiiyeen dhambaal ay uga sideen madaxweyne Siilaanyo oo ka dalbaday inay dawladda Kuwait kaalin ka qaadato badbaadinta dadka abaaruhu ku habsadeen.

 

 

 

 

.

Wasiirka  khayraadka biyaha Somaliland,  Xuseen Cabdi Boos oo  ka hadlay  deeqdan, ayaa masuuliyinta dalka Kuwait uga mahadnaqay deeqdan raashinka ah ee ay soo gaadhsiiyeen dadka ay abaaruhu saameeyeen,  waxaanu yidhi;  “Waxaan halkan uga mahad celinayaa dawlada Kuwait ee sida sharafta leh isu xil qaantay kana soo qayb qaadatay samatobixinta  dadka ay abaaruhu saameeyeen. sheekha iyo amiirkuna aad iyo aad ayay ugu mahadsan yihiin deeqda ay  innoo keeneen. Abaarta dalka ka jirtaa waxa ay naafeysay xoolihii noolaa oo 95% dadka ka baxay oo le’day.”

 

Guddoomiyaha diwaanka sekada Somaliland, Sheekh Siciid Maxamed Faarax Jire oo isaguna ka mid ahaa masuuliyiintii ka qayb gashay soo dhaweynta diyaaradani deeqda siday ayaa sheegay inay jiraan deeqa kale oo daba socda oo dawlada Kuwait ugu deeqday Somaliland waxaanu yidhi, “Deeqdani waxay hordhac u tahay deeqo kale iyo walilba ceelal amiirka dalka Kuwait ka hirgelinayo Somaliland. waanu u mahad-celineynaa Illaahayna miisaanka xasanaadka ha u galiyo waanay ku mahadsan yihiin.”

Sidoo kalena, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa dawladda Kuwait ku ammaanay sida ay dadka islaamka ah ee jilicsan mar walba isku garab taagto.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply