Basaasaddii Caanka Ahayd Ee Sylvia Rafael waxay ku dhalatay magaalo u dhow Cape Town dalka South Africa bishii April 1, sanadkii 1937. Waxay ahaayeen qoys Yuhuud ah aabaheedna wuxuu u guuray dalka Israel sanadkii 1963, Waxaana qoyskoodu ku biireen bulashadii loo yaqaanay Kibbutz oo ahayd dad dhinaca beeraha iyo waxa soo saarka ka shaqaysanayay oo dawladu isku ururisay isla markaana maalgelin u samaysay.
Markii danbe Rafael waxay noqotay macalimad waxaana ay u wareegtay magaalda Tel Aviv ee caasimadda Yuhuudda. Macalimadda Rafael iyadoo kaabada gurigooda maalin fadhida oo ku qaadanaysa nasasho ka dib markii ay hawl adag ka soo rawaxday oo akhrisanaysa dagaalkii Yuhuuda ee Josephus Flavuis ayuu telefoonkeedu si lama filaan ah loo soo garaacay.
Markii ay qabatayna markiiba waxa is baray nin magaciisa ku sheegay Gadi, kaasi oo u sheegay in dawladda Israel doonayso gabadh ay shaqaalayso. Markii ay weydiisay shaqada nooca ay tahayna wuxu u sheegay ina galabta ay timaado huteelka Café Hadley street ee Tel Aviv halkaasi oo u ugu sheegi doono nooca shaqada.
Halkaasi ayaa laga shaqaalayeey Rafael inay ka mid noqoto basaasiinta Mosad ka dib markii la siiyay tababar muhiim ah. Bishii July sanadkii 1973 ayay ka mid noqotay dagaalayanada qarsoon ee Mosad unugga 188. Waxaana ay kasbatay derejada sare ee ah dagaalyahan oo ah derejooyinka ugu sarreeya Mosad.
Derejadan sare ayaa keentay in Rafael ay ka shaqo gasho dalalka dibedda waxaana loo diray caasimadda Faransiiska ee Paris iyadoo laga dhigay suxufi sawirqaade madax banaan ah waxaana la siiyay passport Canadian ah oo magaca ugu qorani ahaa Patricia Roxburgh.
Markii dawladda Israel go’aamsatay inay hoos ula socoto hawlgalkii ay fuliyeen kooxdii Black Septemeber ee lagu dilay 11 ciyaartow ee Israel u dhashay oo kaga qayb gelayay magaalada Munich ee Jarmalka ciyaaraha Olymibg sanadkii 1972. Rafael waxay ahayd sirdoonkii Mosad u keenay sirtii ugu qiimaha badnayd ee sababtay in la dilo saddex ka mid kooxdii dilkaasi geystay ka hor intii aan la qorshayn hawlgalkii lagu magacaabay cadhadii kooxda “Wrath of Team” oo ahaa qaabkii loo khaarajin lahaa kooxdaasi uu hogaaminayay Ali Salameh oo ah dagaal yahan Falstiini ah aadna isugu dhowaayeen Hogaamiyihii Falastiin Yasir Carafat… la soco