Daarasad: Faa’idada Caafimaad Ee Ku Jirta Timirta

0
538

Diraasado badan oo caafimaad oo uu leeyahay  geedka timirta ayaa lagu ogaaday in ay tahay cuntada ugu dhamayska tiran dunida marka laga eego macdanta uu jidhka bina aadamku u baahan yahay sida Iron, Zinc, Magnesium, iyo Manganese. Intaas waliba waxa usii dheer Faytamiinnada (Vitamins) A, B, B6 Iyo K.

Jidhkaagu waxa uu u baahan yahay awood uu ku shaqeeyo maalinkii, timirtu waa qaabka ugu wacan, fudud uguna dheereeya ee aad awood dagdag ah ku heli lahayd.

Sida uu qortay barta Internetka ee Gesundheitstipp timirta waxa ku jira unugyo aad u milmi og, kuwaasi oo caawiya dheefshiidka jidhka, iyada oo lagula taliyo dadka ka cawda calool istaaga, waxaana xusid mudan in isla markaana lagu daweeyo shubanka waayo waxa ay timirtu isu dheelli tirtaa qaabka ay saxaradu u soo marto xiidmaha qofka.

Faa’idooyinka layaabka badan ee ay timirtu leedahay waxa kamid ah inay ka hor tagto xanuuno badan oo qofka soo waajihi kara, Allah idankii kadib, waana qaabka ugu wacan ee lagaga hor tago lafo xanuunka sida uu sheegay websiteka Gesundheitstipp.

Dhiig yaraanta ayaa kamid ah dhibaatooyinka kusoo badanaya bulshooyinka sannadadan dambe, gaar ahaan wadammada aan dhaqaalaha badan lahayn, hadaba si aad uga hor tagto dhiig yaraan kusoo food saarta cun 3 xabbo oo timir ah.

 

 

Wadnuhu waa halka uu qofku ka nool yahay, cadaymaha faraha badan ee laga helay timirta ayaa dhammaantood isku si u sheegaya in timirtu tahay cuntada ugu waxtarka badan wadnaha ruuxa bina aadamka ah. Sida diraasadahan lagu xusay ayaa timirtu waxa ay hoos u dhigtaa heerka Cholesterol ka oo ah ka ugu wayn ee sababa xanuunnada ku dhaca jidhka bina aadamka.

Timirta waxa ku jira saami aad u sareeya oo Iron dabiici ah, taasi oo kahor tag u ah xasaasiyada.

Waxa xusid mudan in timirta uu Allah SWT ku sheegay Quraanka suuratu Maryam isaga oo la hadlaya Maryam (( Lux oo gilgil jirrida geed timireedka waxa ay kuusoo ridi daadin doonta rudab..)

Aaayadani waxa ay cadayn u tahay in timirtu ay qof umul ah ugu filan tahay cuunno iyo caafimaad oo dhan, iskaba dhaaf qof aan dhib qabin.

Ugu dambayntii waxa uu Nabi Muxammad SCW ku sheegay xadiis in Qofka cuna 7 midh oo timir ah marka uu aroortii soo tooso aanay waxba ka tari doonin sixir iyo sun toona.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply