Daarasad: Maxaynu Gogosha Cusub ugu Gam’i Weynaa?

0
291

Barnaamijkeena Shifo waxa aynu ku eegaynaa sababta ay dad badani ugu gam’i wayaan marka aynu ku seexanno gogol aan toodi hore ahayn .

 

Waxaa suurogal caadiyan inay hurdadu inagga xumaato habeenka ugu horreeya ee aynu ku seexanno gogol uu leehay qof kale oo aad deegaankiisii ugu hoyatay balse cilmi baadhisyo laga sameeyay arrinkaa waxa ay cadaynayaan in sababtaasi aanay ahayn gogosha uu qofkaasii kugu seexiyay laakiin mushkiladdu ay tahay dhankaaga gaar ahaan maskaxdaada.

Daraasad cusub oo ay samaysay jaamacadda Brown ee ku taala wadanka mareykanka ayaa sheegaysa in marka aad ku jiifsato gogoshan adan hore ula qabsan ay macnaheedu tahay inaad madaxaagii dhigtay aanun garanayn xilligaasina waa marka ay qeybta bidix ee maskaxdaadu bilaabayso shaqadii ay haysay iyadoo isu beddelaysa sidii aalad yar oo ilaalo ka haynaysa la socodka wax kasta oo habeenkaa dhacaya. Qeybta bidix ee maskaxdaadu waxa ay habeenkaa oo dhan ku jiraysaa xaaladaa warwarka ah waana waqtigii aad adigu isku deyaysay inaad gam’ado oo seexato iyadoo qeybta midig ee maskaxdaaduna la yaaban tahay qeybta bidix.

Nasiib wanaagsan heshiis la’aanta labada qeybood ee maskaxdaadu iyo hurdo xumada ka dhalata waxa ay ku kooban yihiin  habeenka keliya ee aad gogol aadan la qabsan ku seexato, iyadoo xaaladu habeennada ku xiga caadi kusoo noqonaysoo oo laga yaabo inaad u seexato sidii ilmo yar oo xilligii nuujinta ku jira.

Cun 3 xabbo oo timir ah maalinkii kana hel faaidooyinkan layaabka badan…

dates

In badan ayaa diraasado isdaba jooga lagu sameeyaa faaidooyinka caafimaad ee timirta, haba u badnaaadaan kuwa lagu sameeyo wadammada reer galbeedka oo si maalin la ah u daba jooga geedkan midhaha bunniga ah leh, waayo  waxa ay waxtar badan u leeyihiin kahor taga xanuunnada ku dhaca wadnaha iyo waliba xasaasiyada, intaasi oo kaliya kuma koobna waxtarkuye 3 xabbo oo maalinta dhan aad cuntaa waxa ay leeyihiin waxtarkan hoos ku xusan!

Leave a Reply