Sheekh ku Dhintay Xabsi ku yaal Maraykanka

0
306

Wadaad  lagu eedeeyey inuu ahaa maskaxdii ka dambaysay tiro weerarro bambooyin ah oo la qorsheeyey in lagu qaado New York horraantii sagaashameeyadii ayaa ku dhintay xabsi ku yaalla Maraykanka, sida ay qoyskiisu sheegeen.

Sheekh Cumar Cabdiraxmaan wuxuu ahaa wadaad indha la’ oo wacdi ka jeediya masaajid ku yaalla New York, waxaana 1996 lagu xukumay xabsi daa’in, ka dib markii lagu riday xukun ah inuu weerarro qorsheeyey.

Waxaa la sheegay inuu maleegay tiro weerarro ah, oo bartilmaameedkoodu ahaa goobo caan ah oo ku yaalla New York, isagoo ujeedadiisu ahayd inuu Maraykanka ka joojiyo inuu taageero Israa’iil iyo Masar.

Waxaa lagu eedeeyey inuu ahaa maskaxdii dhiirri galisay qaraxii xarunta ganacsiga adduunka , laakinse laguma helin inuu ku lug lahaa weerarka.

Xaakimkii dacwadiisa qaadayey wuxuu sheegay in haddii qorshayaashiisu ay fuli lahaayeen, ay kumanaan qof dhiman lahaayeen.

Geerida Sheekha waxaa Qaahira kaga dhawaaqay qoyskiisa.

 

Leave a Reply