Wax Ka Baro Kansarka Dhiigga

0
356

Waa kaankarada haleesha unugayada jidhka u sameeya dhiigga. Unugyadaan oo ay kamid yihiin dhuuxa iyo limfiga ayaa aassaas u ah sameynta unugyada dhiigu ka koobanyahay. lukiimiya waxay la xidhiidhaa unugyada cad ee dhiiga. Unugyadaan ayaa jidhka u qaabilsan inay ka difaacaan waxyaabaha soo weerara oo ay kamid yihiin ilma qabatadu. Unug kamid ah dhiiga cad oo aan qaangaadh ahayn ama dhamaysan habka uu ku noqon karo unug waxtar leh ayaa dhuuxu ka sameeyaa koobi aad ubadan. Unuga aan qaangaadhka ahayn waxaa uu qabsadaa boosas badan oo soo saari lahaa unugyada kale ee dhiiga siiba kuwa cad. Tani waxay keenaysaa in soo saarida unugyada cad iyo kuwa kale ee dhiigga ee caafimaadka qaba ay hoos u dhacaan.

Soosaarida unugyada cad oo aad u farabadan kuwaasoo aan caadi ahayn ama aan qaangaadhin, waxay qabsanayaan inta badan boosaska dhuuxa iyo limfiga ee soo saara unugyada kale ee dhiigga. Waxay ku fidaan xubno kale oo ay kamid yihiin beerka iyo beeryarada halkaas oo ay ka buuxsamaan, waxaana dhacaysa in xubnahaasi ay cabirkooda ka weynaado marka ay caadiga yihiin

lukiimiya waxay ka koobantahay qaybo kala duwan, kuwaasoo badankoodu ay ku dhacaan caruurta. Kaankaradaan malahan sabab gaar oo loo aaneeyo jiritaankeeda balse waxaa lala xidhiidhiyaa arrimo ku saabsaan dhaxalka iyo kuwa laga qaado deegaanka. Waxaa kamid ah qodobada lala xidhiidhiyo, Down syndrome (Trisomy 21 Syndrome), Von Reckinghausen’s Disease, Fanconi’s anemia, Philidelphia chromosome (for chronic leukemia) waxyaabaha laga helo  deegaanka la xadhiidha ayaa noqon kara kiimikada loo yaqaano benzene, feyruska, shucaaca iyo xanuunada la xidhiidha difaaca jidhka.

 

Bukaanka uu haleelo Lukiimiya ayaa la dhibaatoon kara xumad iyo dhidid tan ayaa loo sababeeyaa in unugyada dhiiga cad ay soo daayaan qandho sababa yaal kuwaasoo qayb ka qaata difaaca jidhka. Lukiimiya ayaa waxay kaloo caan ku tahay cadadka dhiiga oo yaraada, tan ayaa sabab u ah bukaanku inuu dareemo wadna garaac iyo tabar yari. Difaaca bukaanka ayaa hoos u dhaca waxaana uu unuglaadaa inay haleelaan infekkshino. Heerka xinjirowga qofka ayaa hoos u dhaca waxaana dhacda in bukaanku uu lumiyo dhiig xataa hadii ay ku dhacaan wax aad u yar. Waxaa bukaanka jidhkiisa laga arki karaa maqaarka hoostisa oo dhiig ku faafo.

Lafo xanuun iyo miisaanka jidhka oo hoos u dhaca ayaa lagu arki karaa bukaanka qaba kaankarada loo yaqaan Lukiimiya.

Daweynta kaankarada lukiimiya ayaa ku xidhan qodobo badan oo ay kamidyihiin nooca kaankarada, da’da bukaanka, inay ku faaftay qaybaha kale ee jidhka iyo guud ahaan caafimaadka shaqsiga tusaale ahaan in bukaanku uu qabo xanuuno kale iyo inkale. Waxaa jira daawooyin kala duwan oo loo isticmaalo daweynta xanuunkaan. Dadka da’da yar iyo caruurta ayaa ugu jaanis fiican waana mid inta badan lagu guuleysto daaweyntooda. Bukaanka ayaa ubaaahan baxnaanin.

 

Leave a Reply