Dibad-Bax Ka Dhashay Kalluun Dhintay

0
328

Boqolaal qof ayaa dibed-bax ka sameeyay dalka Vietnam, ka dib markii kalluun tiro badan uu ku dhintay xeebaha badhtamaha dalkaasi.

Dibed baxayaasha ayaa dhimashada kalluunka ku eedeeyay wasakh ay sheegeen in warshad birta sameysa ay ku shubtay badda.

Warshadda oo laga leeyahay Taiwan ayaa waxa dembi ku waayay dowladda Vietnam.

Dibed baxayaasha ayaa sidoo kale ka cadheysan qaabka gaabiska ah ee ay dowladoodu uga jawaabtay arrintan.

May caddeyn dawladda dalkaasi waxa sababay in kalluunka sidaa u badan uu dhinto.

Marka la eego dhacdadan dalka Vietnam, waxay tusaale u noqonaysaa sida ay dadka caalamku u ilaashadaan khayraadka dalkooda, isla markaana ay uga dhiidhiyaan dhibaato kasta oo la soo derista, waxaana loo baahan yahay in bulshada Somaliland ay ka faa’iidaysato dabaqaadda muwaadinnimo iyo doorka ilaalinta khayraadkooda dihin ee ay leeyihiin.

 

Leave a Reply