Diyaarad Burburtay oo 5 Qof Dishay

0
325

Afar  ruux oo u dhalatay dalka Maraykanka iyo duuliye reer Australiya ah ayaa dhintay ka dib markii ay diyaaraddoodu ku dhacday suuq laga dukaamaysto oo ku yaalla magaalada Melbourne ee dalka Australiya.

Booliisku waxay sheegeen in ay u muuqato in ay cilad wayn gashay matoorka diyaaradda sidaadii ay uga duushay garoonka yar ee diyaaradaha ee Essendon Airport.

Inkastoo ay burbur baaxadleh gaysatay diyaaraddu haddana lama sheegin qof dhulka joogay oo ku dhintay shilkan.

 

Daniel Andrews oo madax ka ah gobolka Victoria ayaa sheegay in shilkan diyaaraddu uu yahay kii u xumaa ee soo wajaha duulimaadyada dadwaynaha muddo 30 sano ah.

“Waa maalin murugo badan ayuuna sii raaciyay

Gabadh u hadashay dhismaha ay diyaaraddu ku dhacday ayaa sheegtay in dhammaan shaqaalihii goobtaas ay bad qabaan.

Wakhtiga uu shilku dhacayna wuxuu ahaa ka hor wakhtigii loo furi jiray dadka ka adeegta ee shacabka ah.

Safaaradda Maraykanka ayaa xaqiijisay in afarta ruux ee dhimatay ay ahaayeen muwaadiniintooda.

 

 

 

Leave a Reply