Farqi Intee Le’eg Ayaa u Dhexeeya Kalluunka Badda Iyo Kalluunka Webiyadu?

0
399

Kalluunka hoygiisu waa biyaha sida wabiyada,harooyinka iyo badaha, biyahaas oo ku kala duwan heerkulka xadiga cusbada ku jirta iyo cadaadiska, kaluunku waa noole ama xayawaan layaab ku leh xaga la qabsiga deegaanka sida marka uu galo maayad kulul inuu is qaboojiyo

marka uu qabaw galana inuu is kululeeyo.

Nooca biyaha qaybta sare kaga nool(palegic) noocan waxa uu cunaa noolaha kale ee bada ku jira oo la raadsanaaya deegaan haboon iyo cunto, tusaale ahaan noocan kaluuunka ah waxa ka mida ah taraaqada, sucbaanka, shiiraanka, daba guncunka, faraska, daambeeriga, qariibka, iyo libaax badeedka qayb ka mid ah.

Kalluun qareed(demsersal fish) noocan waxa uu ku nool yahay shacaabiga oo

ah gunta hoose ee badda noocan wuu daaqaa waxaanu cunaa caws baddeedka iyo ubax baddeedka (phytoplankton) tusaale ahaan kalluunka noocan ah waxa ka mid ah qariibka, gaxashka, sumaanka iyo afdhuubka.

1- Noocan qolof layda ah = noocan waxa ay ku nool yihiin godadka shacaabiga badda (colar reres) iyo sida oo kale badda gunteeda hoose waxaana ka mid ah qolof layda iyo aargoosatada, carsaanyada, iyo shirinbiska.

2- Kalluunka biyaha macaan iyo kuwa dhanaan.

3- Kalluunka badda iyo kalluunka webigu waxay ku kala duwan yihiin    (midabka qaabka urta) dhadhan ahaan kalluunka baddu wuu ka dhanaan yahay kalluunka webiga. Kalluunka baddu wuu ka madaxweyn yahay kana madow yahay.

Noocyada kalluunka ee webiga ku jira kunbilaha iyo kaatfishka ayaa ugu caansan lutfiyaha iyo ballanku waa kuwo yar-yar oo lagu dabo noocyada kale ee kalluunka. webiga laga helo waxa ka mid ah talaabiyaha.

Kalluunka baddu wuu ka waaweyn yahay ka webiga waayo waxa ay leedahay

waxyaabo badan oo kaalmaynaya koritaankiisa sida inay baddu leedahay aljiga uu kalluunku cuno, kalluunka baddu waxa uu leeyahay meelo dugsoon oo uu ku dhallo, ugxantiisana gabood uga dhigo oo uu ku badbaadsado.

Cuntooyinka uu kalluunku ka helo webiga way ka yar yihiin inta uu baddaha ka helo.

 

Leave a Reply