Janaraal Caan ah oo Trump u Magacaabay laTaliyiihiisa Amniga

0
290

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa magacaabay lataliyihiisa amaanka qaranka , waxa uuna xilkaasi u magacaabay sarkaal caan ka ahaa Ciidanka Mareykanka oo lagu magacaabo jeneraal Herbert Raymond McMaster .

La taliyaha cusub ee uu magacaabay Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa badalaya jeneraal Michael Flynn oo kaliya lataliye ahaa 24-cisho, waxaana sarkaalkan xilka laga eryay kadib markii lagu eedeeyay in xidhiidh aan munaasib aheyn la sameeyay Dowlada Ruushka.

Jeneraal Herbert Raymond McMaster oo noqday lataliyaha cusub ee Amniga Qaranka Madaxweyne Trump , waxa uu sarkaalkan horey uga soo shaqeeyay dalalka Afgaanistan iyo Ciraaq isagoo qaabilsanaa ka hortaga musuq maasuqa.

Madaxweyne Trump ayaa magaacbista lataliyhiisa Amniga Qaranka uga dhawaaqay gobolka Florida, waxa uuna tilmaamay in jeneraal Herbert Raymond McMaster uu yahay nin xushmad badan ku dhax leh ciidamada shaqo fiicana horey usoo qabtay.

Lataliyaha cusub ee Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa Jariirada Time waxa ay sanadkii 2014 ku dartay liiska boqolka qof ee ugu saameynta badan caalamka, waxaana sarkaalkan lagu sheegay nin caan ku ah soo bandhigida argtidiisa,

Leave a Reply