Madaxweyne Xaaskiisa u Magacaabay inay Noqoto Madaxweyne ku xigeenkiisa

0
323

Madaxweyne Ilham Aliyev ayaa xaaskiisa Mehriban u magacaabay xilka madaxweyne ku xigeenka, taas oo uu ku xoojinayo awooddiisa dalkaasi oo saliidda qani  ku ah.

Magacaabista waxaa lagu qoray barta internetka ee madaxtooyada.

Ilham Aliyev wuxuu madaxweyne ka ahaa dalkaasi Azerbaijan tan iyo sanadkii 2003, ka dib markuu aabihii dhintay.

Mehriban Aliyeva, oo 52-sano jir ah, waa xildhibaan. Takhasuskeedana waa caafimaadka.

Waxay leedahay hay’ad lagu magacaabo Heydar Aliyey. Warbaahinta dowladda ee dalkaasi waxay badanaa ka warrantaa arrimaha qoyska dalka maamula.

-dii

Ururada u ololeeya xuquuqda aadanaha waxay qoyska talada maamula ku eedeeyeen musuqmaasuq. Dowladda ayaa beenisay eedahaas.

Bishii September, Mr Aliyev wuxuu qaban qaabiyay afti lagu aasaasay madaxweyne ku xigeen awood leh, wuxuuna xilka madaxweyne kordhistay todobo sano oo dheeraad ah.

Isbuucii la soo dhaafay, warar sir ahaa oo la dusiyay waxay muujinayeen in xaaska madaxweynaha aysan war badan ka hayn arrimaha siyaasadda.

Aabeheed, Arif Pashayev waa nin taajir ah oo ganacsade ah.

Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waxay haystaan seddax caruur ah.

 

Leave a Reply