Maydadka 87 Tahriibe oo ku soo Caariyay Xeebta Liibiya

0
299

Maydadka 87 tahriibayaal ayaa laga helay xeebaha dalka Liibya. Waa musiibadii ugu dambeysay ee ka dhacdo gobolka Zawiya.

Waxaa loo malaynayaa inay doonayeen inay ka tallaabaan badda Mediterranean-ka, si ay u gaadhaan Taliyaaniga.

Bilihii la soo dhaafay, tirada tahriibayaasha ku dhimatay badda Liibiya ayaa sare u kacday, sida hay’adaha ay sheegayaan.

Doon bac ah oo dillaacday ayaa laga helay meel u dhow xeebta maydadka laga soo uruuriyay.

Waxaa la rumeysan yahay in doonta noocaas ah lagu qaado 120 qof. Shaqaalaha gurmadka waxay sheegeen in ay suuragal tahay in maydadka qaar ay biyaha hoos u galeen.

Qaar ka mid ah dadka dhintay waa caruur, sida la sheegay.

Afhayeen u hadlay hay’adda Bisha Cas ee Liibiya wuxuu sheegay in maydad badan ay ka soo uruuriyeen xeebta.

Maxamed Al-Misrati wuxuu sheegay in maamulka deegaanka ay maydadka geeyeen qabuuro ku yaalla magaalada Tripoli.

hay’adda Bisha Cas ayaa baahisay sawiro muujinaya tobannaan maydad oo baco lagu xidhay oo yaalla xeebta.

Hay’adda socdaalka u qaabilsan Qaramada Midoobeey ee IOM waxay sheegtay in doonta Axaddii ay ka safartay Liibiya, “waxaana saarnaa 110 qof”.

Ugu yaraan 5,000 oo qof ayaa badda ku dhimatay sanadkii la soo dhaafay. Dhammaan waxay ahaayeen dhallinyaro tahriibeysay oo ku wajahneyd Yurub.

Tripoli.

Afhayeenka ilaalada xeebaha dalka Liibiya, Ayub Qasim wuxuu sheegay in 500 oo qof laga soo badbaadiyay badda, Jimcihii.

Dadkaasi waxaa laga soo qabtay xeebaha Sabrasa oo ah galbeedka gobolka Zawiya.

Doomaha ay saarnaayeen dadka la soo qabtay ayaa ahaa kuwo aad u yaryar, balse dadka laga buuxiyay.

Ayub Qasim wuxuu tilmaamay in dadka ka shaqeeya tahriibinta ay billaabeen in dad badan ay isla saaraan doomo yaryar.

Doomaha waa kuwo jileec ah, waxayna u nugul yihiin inay si fudud ku degaan.

“Waan aragnaa doomaha cusub ee aan xittaa si wanaagsan loo qalabeyn, balse waxaa lagu qaadaa dad badan,” ayuu yidhi.

“Waxaa muuqato in musiibo tan ka weyn ay ku dhici karto tahriibayaasha”.

Leave a Reply