Shaqaale ku Bannaanbaxay Trump oo la Eryay

0
315

In ka badan 100 qof ayaa shaqadooda ku waayay bannaan bax ay ka qeybgaleen oo looga soo horjeeday go’aan uu gaadhay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Dibadbaxa ayaa ahaa mid looga soo horjeeday go’aan uu Trump ku mamnuucay qaxootiga ka socdo todobo dal oo Muslimiin ah, sida warbaahinta dalkaas ay sheegayaan.

Tobannaan qof oo ay ka mid yihiin shaqaalaha dhismaha iyo kuwa maqaayadaha ayaa shaqada laga ceydhiyay ka dib markii hal maalin ay ka maqnaayeen shaqadooda.

U jeedada isu soo baxa wuxuu ahaa in lagu muujiyo waxtarka soo galootiga ay ku leeyihiin Mareykanka.

Mid ka mid ah maamulayaasha ayaa CNN u sheegay in shaqaalihiisa “ay heli doonaan qiimaha” waxa ay u istaageen ee ay aaminsan yihiin.

Jim Serowski, oo ah madaxa Warshad ku taalla Colorado, ayaa sheegay in uusan ka shalayneynin inuu shaqada ka ceydhiyay 30 qof oo farsamo yaqaanno ah.

“Waan ugu digay, haddii aad sidan sameyso waxaad dhaawaceysaa shirkadda, haddii aad taageerto waxa ay kooxda rabaan, ka mid ma ahid”, ayaa laga soo xigtay isagoo dhahaya.

Tirada rasmiga ah ee dadka shaqada waayay lama garan karo, laakiin warbaahinta Mareykanka waxay soo gudbinayaan dad badan oo shaqada laga eryay.

Dadka shaqada waayay waxaa ka mid ah 12 qof oo ka shaqeynayay maqaayad ku taalla Tulsa, Oklahoma, iyo 18 qof oo ka shaqeynayay shirkad sameyso rinjiyeynta guryaha iyo qalabka oo ku taalla Nolensville, Tennessee.

Ganacsiga iyo iskuullada ku yaalla dhammaan gobollada Mareykanka waxay galeen qalqal maalintii dibadbaxa, maadaama shaqaalaha iyo ardeydaba ay ka qeybgaleen isu soo baxa.

Donald Trump ayaa isbuucii la soo dhaafay sheegay inuu soo saari doono dikreeto cusub oo la xidhiidha safarka ay Mareykanka ku galaan dadka ka soo jeeda todobo dal oo Muslimiin ay ku badan yihiin.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa soo xigatay sarkaal sare oo ka tirsan laanta socdaalka oo sheegaya in amarka cusub la saari doono dalalkii horey loo xayiray ee Iraan, Ciraaq, Soomaaliya, Suuriya, Yaman, Sudan iyo Liibiya.

Dibadbaxyada waxay ka dheceen magaalooyiin kale duwan sida New York, waxaana lagu taageerayay Muslimiinta. Waxaa laga soo horjeeday go’aamada Trump ee Muslimka ka dhanka ah.

Kumannaan qof ayaa la filayaa in Isniinta ay isugu soo baxaan Washington. madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa maalintaas ku noqonaya shaqada ka dib fasax uu u aaday Florida.

 

 

Leave a Reply