Danjire Mingiste oo ka Hadlay Muhiimadda Saldhigga Millatari ee Berbera u Leeyahay Dalka

0
341

Hargeysa(Dawan):- Safiirka Somaliland u fadhia dalka shiinaha Danjire  Cabdi Maxamed Saleebaan(Mingiste),ayaa si qoto dheer oo faah faahsan uga hadlay faa,iidada uu u leeyahay saldhigga Millatari ee Somaliland Berbera ka siisay dalka Imaaraadka Carabta,ayaa sheegay in saldhiga Millatari in uu yahay furaha horumarka Somaliland iyo in dalku uu noqdo mid lagu soo hiran karo oo caalamka  u furan.

 

Waxaa  kale oo uu intaa ku daray in loo baahan yahay in Somaliland dal ahaan iyo dad ahaanba in wada jir looga faa,iidaysto oo laga koro ku jiqsii iyo mucaaridnimo aan dalka iyo dalka u dan  ahayn.

 

 

Wasaanu safiirku sidaa ku sheegay qoraal uu soo saaray oo uu soo gaadhsiiyay Wargyska Dawan,waxaanu u dhignaa sidan.

 

Ugu horeyn waxaan jecelahay in aan halkan salaan kal iyo lab ah ugu soo gudbiyo Shacabka reer Somaliland gudo iyo dibaba.Salaan ka dib waxaa jecelahay in aan xasuusiyo Shacabka Reer Somaliland dhowr arimood oo muhiim ah:-

 

  1. Sida aynu la wada soco waxaynu dal ahaan ku naalaa goob aad iyo aad mihiim ah,dhinaca  isu socodka Ganacsiga iyo dhinaca amaankaba.

 

  1. Waxaa dalkeenu leeyahay,khayraad dabiici ah oo aad u fara badan,sida Shidaalka,Macdanta kala duwan,bad dheer oo ay ku jiraan khayraad badani una baahan in laga faaiidaysto si looga helo munaafacaad dalka iyo dadkaba wax u tara.

 

  1. Waxaynu u baahanahay Shacab iyo Dowladba in aynu ka faaiidaysano khayraadka faraha badan ee dhulkeena ku jira,waxaynu u baahanahay in aynu ka faaiidaysano halka dalkeenu dunida ka yaal oo aad u muhiim ah Ganacsi ahaan iyo ammaan ahaanba.

 

  1. Waxaa muhiim ah in aynu ka faaiidaysano Dekedaha iyo Garoomada waaweyn ee dalkeenu leeyahay,Laakiin looma baahna in aynu iska dul fadhino Khayraadkaa faraha badan ee dalkeenu leeyahay Bad iyo Beriba.Garoomada iyo Dekenadaha waaweyn ee dalkeenu leeyahay.

 

  1. Waxaa muhiim ah in aynu ogaano,fahano, in dunidan aynu ku nool nahay ay isu baahan tahay,leedahay cilaaqaad Ganacsi,amaanka,iyo is maalgashi,mana jiro wadan keligii gooni isugu filan,oo ka maarmay dunida inteeda kale,waa la wada nool yahay,laysku dul nool yahay dunida oo dhan,inaguna dal ahaan iyo dad ahaaba dunida ayeynu ka mid nahay,keligeena gooni ugama maarmi karno dunida inteeda kale.

 

 

 

Mahadnaq.

  1. Waxaa waxaan jecelahay in aan halkan uga mahadceliyo Xukuumada uu hogaamiyo Md. Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo),oo runtii mudadii ay xilka haysay dalku uu ku talaabsaday horumar dhinac walba leh.

 

  1. Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Isutaga Emaraadka Carabta(U.A.E)  Amb. Bashe Cawil,oo runtii ka soo baxay shaqadii Safiirnimo ee loo igmaday,mudo koobanna dhidibada u taagay  xidhiidh walaaltinimo,horumar,mucaawimo iyo maalgashi oo dhex mara Somaliland iyo U.A.E.Waxaa muhiim ah in aanu ku dayano dhamaan,haddii aanu nahay Safiirada kale ee Somaliland u fadhiya dalalka kala duwan.waxaanan qabaa  in lagu amaano,laguna sharfo howshaa fiican ee uu u qabtay dalkiisa iyo dadkiisaba.

 

 

  1. Waxaa sharaf iyo mahadnaq  mudan Golashaaya Somaliland oo si wada jir ah u ansaxiyey Heshiiska  dhismaha Dekeda Berbera iyo Saldhiga Ciidan ee Berbera.
  2. Waxaa iyana mahadnaq mudan guud ahaan Shacabka reer somaliland oo si weyn u  taageeray Mashaariicdaa waaweyn ee dalkeena iyo dadkeenaba waxtarka u leh.

 

Mucaaridka;-

Waxaan halkan  dardaaran uga dirayaa Shaqsiyaadka iyo Xisbiyada Mucaaridka ah,waxaan leeyahay;-

  • Waxaa  fiican in aad taageertaan,horumarka dalka iyo dadka,waxaa fiican in aynu soo dhoweyno dhamaan mashaariicda waxtarka u leh dalka iyo dadka reer Somaliland.
  • Mucaaridnimadu maaha cay iyo Aflegaado Saxaafada laysu mariyo,balse waa soo bandhigin wixii ad qabanayso ee aad ku dhaanto cida aad dhaliilayso.”
  • Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply