Wasiir Sucuudi ah oo Booqasho ku Tegay Baqdaad

0
272

Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuusan sannadkan ka qayb gali doonin cashada sannadlaha ah ee ururka wariyeyaasha aqalka cad.    Tallaabadan ayaa timid iyadoo uu sii xumaanayo xiriirka u dhaxeeya warbaahinta qaarkeed iyo aqalka cad.

Jimcihii ayaa tiro hay’ado waaweyn oo kuwa warbaahinta ah, oo ay ku jiraan BBC, CNN iyo the New York Times, waxaa laga reebay ka qayb galka shirarka saxaafadda ee uu qabto afhayeenka madaxweynaha Sean Spicer.

Majalladda Vanity Fair iyo warbaahinta Bloomberg ayaa horeba faraha ugala baxay marti galinta xaflad cashadaas ka dambaysa, taasoo la qabto bisha April, ayagoo sababta ku macneeyey sida uu Mr Trump ula dhaqmayo warbaahinta.

Madaxweynaha ayaa dhowr goor weerar ku qaaday wax uu ugu yeedhay warar been ah, isagoo qayb saxaafadda ka mid ahna u nisbeeyey inay yihiin cadawga shacabka Maraykanka.

Muddo ku dhow 100 sano ayaa sannad kasta waxaa caado ahayd in ururka wariyeyaasha aqalka cad ay casho sameeyaan, taasoo uu madaxweynaha xilka haya ka jeediyo khudbad yara jilicsan.

Leave a Reply